4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2010
Boqolaal arday oo u fariistay imtixaanka ogolaanshaha waxbarashada Jaamacadda Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, August 25, 2010 (HOL) − Waxaa maanta Jaamacadda Muqdisho u fariistay Imtixaanka aqbalaadda waxbarasho sannadeedka 2010 / 2011, in ka badan boqolaal arday oo isku diiwaangeliyay inay wax-ka-bartaan Kulliyadaha Jaamacadda Muqdisho.

Ardayda imtixaanka u fariistay ayaa kasoo kala baxay dugsiyada sare ee gobollada dalka, iyadoo qaarkood ay ahaayeen kuwo ka yimid dalka dibaddiisa, si ay wax ugu bartaan gudaha dalkooda.

"Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad muujisaan karti dheeri ah, inta lagu gudo jiro xilli waxbarashadeedka aadna ka miro-dhalisaan dadaalkiina," ayuu yiri Dr. Maxamed Xasan Nuur oo ah madaxa Imtixaanaadka Jaamacadda Muqdisho.

Boqolaalka arday ee u fariistay imtixaanaadka ayaa waxay isugu jireen rag iyo dumar, waxaana wajiyadooda ka muuqday farxad ay ku faraxsan yihiin waxbarashada Jaamacadeed ee u billaabanaysa.

Imtixaankaadka ayaa kuwo qoraal ah iyo kuwo afka ah, waxaana ay kusoo dhamaadeen jawi farxad ah, waxaana ardaydan ay ku biirayaan arday horay wax uga baranaysa Jaamacadda Muqdisho.

Jaamacadda Muqdisho oo la furay sannadkii 1997-kii ayaa waxay ka kooban toddoba kulliyadood iyo in ka badan 20-taqasus, iyadoo ay ka qalin-jabiyeen 10-dufcadood oo bartay culuun kala duwan.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya