4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2010
Xildhibaan ku eedeeyay weerarkii shalay madaxda dowladda iyo mudane sheegay inuu iscasilay

 Arbaco, August 25, 2010 (HOL) - Xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa ku eedeeyay madaxda Dowladda Soomaaliya inay mas'uul ka yihiin weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Muna ee lagu dilay dadka faraha badan kuwo kalena lagu dhaawacay.

"Weerarkii dhacay wuxuu ku yimid dayacaadda madaxda dalka ay dayaceen inay xil iska saaraan ammaanka xildhibaannada, waxaana mas'uul ka ah iyaga," ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo la hadlay saxaafadda.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in madaxda dowladda ay iyagu ammaankooda sugaan, ayna dayaceen ammaanka xildhibaanada uuna filayay inay tan oo kale dhici doonto, wuxuuna ku boorriyay xildhibaannada inay ka tashadaan ammaankooda.

Sidoo kale, shir jaraa'id oo ay hoteelkii shalay la weeraray ku qabteen mudanayaal ka badbaaday weerarka iyo kuwo kale ayaa ku eedeeyay madaxda dowaldda inay dayaceen ammaankooda, ayna ka fikireen ammaanka xurumahooda oo keliya.

Dhanka kale, Mudane Cali C/llaahi Xasan (Cali Ganey) oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka kuna sugan dalka Norway ayaa sheegay inuu iska casilyay xilkiisii, kaddib markii uu arkay xaaladda dalka ka taagan.

"Markaan arkay xaaladda dalka ka taagan iyo in dowladu ay ku fashilantay wax ka qabashada dhinacyada ammaanka iyo dib u heshiisiinta ayaan go'aansaday inaan iska casilo xilkii mudanenimo ee aan hayay, waayo waxba kuma soo kordhin karo," ayuu yiri Mudane Cali Ganey.

Hadalka xildhibaannadan ayaa imaanaya iyadoo shalay weerar lagu qaaday Hotel ay daganaayeen xildhibaanno oo ku yaalla Muqdisho lagu dilay 33-qof oo ay lix ka mid ah ahaayeen mudanayaal baarlamaan, kaasoo ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Xarrakatul Shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya