4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2010
Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee SHARMOC oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Muna

Arbaco, August 25, 2010 (HOL) - Guddiga dabagalka xuquuqda aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) ayaa cambaareeyay kuna tilmaamay wax laga xumaado weerarkii lagu xasuuqay 33-qof ee ka dhacay Hotel Muna degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, tiro intaas ka badanna lagu dhaawacay.

Xasuuqa ayaa dadkii ku dhintay waxaa kamid ahaa xubno ka tirsan baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya oo hoteelka dagganaa, waxaase khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad isugu jiray haween, caruur, ganacsato iyo dad caadi ah oo deggenaa hoteelka.

Guddiga SHARMOC wuxuu falkaas ku tilmaamayaa fal ka baxsan bani'aadamnimada, isla markaana kasoo horjeeda diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida, iyadoo dadkii ka dambeeyeyna ku tilmaamay dambiilayaal.

"Falkan wuxuu ahaa mid u muuqday fal si weyn looga soo shaqeeyey isla markaana lagu geystay khasaarihii ugu badnaa ee la gaarsiiyo dad aan hubaysnayn oo rayid ah iyo mudanayaal ka tirsan dowladda," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka SHARMOC.

Sidoo kale Guddigan dabogalka xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya waxay sheegeen in dagaalladii ka dhacay Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay ay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee ka dhaca caasimadda bilihii lasoo dhaafay uguna khasaaraha badnaa.

"Dagaalladii ugu dambeeyay waxaa ku dhintay 57-qof oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay 150-qof oo kale," ayaa sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay guddiga SHARMOC.

Guddigan wuxuu sheegay in dagaalladan iyo weerarka lagu soo beegay xilli ay aad u xun tahay xaaladda bani'aadamnimo ee ka taagan dalka Soomaaliya, iyadoo dadka lagu dul dagaalamayo ay yihiin kuwo la hardamaya sidii ay ku heli lahaayeen afurka bishan Ramadaan.

Ugu dambeyn guddiga dabagalka xuquuqda aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) wuxuu uga digayaa dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho inay ku dul dagaalamaan shacabka, falalka ay ku kacayaanna ay yihiin kuwo kasoo horimaanaya diinta Islaamka iyo xuquuqda aadanaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya