4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2010
Banaanbax lagu taageerayay Guddoomiye cusub oo u sharraxan Degmada Xamarjajab oo maanta ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Isniin, April 05, 2010 (HOL) Bannaanbax lagu taageerayay ninka u sharraxan inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.
Mas'uulkan xilka u sharraxan ayaa waxaa lagu magacaabaa Macallin Maxamed Cali Maxamed isagoo kula hadlay xarunta Gobolka boqolaalka qof ee taageerayay in laga dhigo Guddoomiaha cusub ee degmada Xamarjajab.

"Waxyaabaha ugu horreeya ee aan wax ka qaban doono marka xilkan la ii doorto waxaa ka mid ah inaan hagaajiyo ammaanka, waxbarashada iyo nadaafadda" ayuu yiri Macallin Maxamed Cali isagoo sheegay in go'aankaas uu yahay mid ka go'an si ay dadka degmada ugu noolaadaan nolol wanaagsan.

Boqlaal qof ee taageerayay isla markaana dhigay dibadbaxa ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku taageerayaan musharraxa ay wataan, iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay inay go'aan ka qaadanayaan in mas'uulkaas ay u magacaabaan degmada iyo in kale.

Guddoomiyihii degmada Xamarjajab ayaa waxaa todobaad ka hor lagu dilay qarax ka dhacay degmadaas, isagoo ku howlan burburinta guryo laga dhistay hareeraha iyo gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Dilka Guddoomiyihii hore Marxuum Axmed Sheekh Maxamuud (Qoorleex) waxaa sheegtay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyagoo ku sheegay inuu ahaa mid ay ugu aargudayeen dadka laga rarayo deegaannadooda.

Haddii guddoomiyaha cusub loo magacaabo xilka guddoomiyenimo ee Degmadaas ayaa wuxuu noqonayaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee dadka ku nool Muqdisho u doortaan inuu hoggaamiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya