4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2010
Xildhibaanno kulan ku yeeshay Muqdisho oo sheegay inay dooran doonaan guddoomiye cusub oo guddoomiyaha fadhiyada Baarlamaanka

Isniin, April 05, 2010 (HOL) In ka badan 75-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen Hotel Wehliye ee Magaalada Muqdisho waxay ku sheegeen inay kulanka ugu horreeya ee uu yeelanayo baarlamaanka ay ku dooran doonaan Guddoomiye Cusub.

Mudanayaashan ayaa shirkooda jaraa'id ku sheegay in Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) uu xilligisii dhamaaday, sidaa daraadeedna ay waajib tahay inay doortaan Guddoomiye KMG ah inta ay ka dooranayaan guddoomiye cusub.

Xildhibaan Cumar Islow oo ku hadlay Afka mudanayaasha kulankan yeeshay ayaa sheegay inay ka go'an tahay in berri ay u doortaan Guddoomiye KMG ah ninka ugu da'da weyn Baarlamaanka inta ay ka dooranayaan guddoomiye cusub, isagoo xusay in go'aankooda uu saleysan yahay sharciga u dagan Baarlamaanka.

"Iyadoo la dhowrayo Axdiga KMG ah ee dalka u dagsan waxaa waajib ah inaan berri dooranayno guddoomiye cusub maadaama uu waqtigii Guddoomiyaha xilligan uu dhamaaday, waxaana u raacaynaa Axdi hoosaadka Baarlamaanka qodobdkiisa 13-aad farqraddiisa 5-aad iyo Qodobka 32-aad ee Dastuurka dalka u dagsan" ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow.

Mudane Islow oo ah Xoghayaha Baarlamaanka wuxuu carrabka ku dhajiyay in tani ay tahay sharci ay u marayaan inay ku badbaadiyaan howsha uu Baarlamaanku hayo, isagoo sheegay in haddii go'aankooda la diido ay dowladda oo dhan burburayso.

"Guddoonkii hore ee Baarlamaanka waa inay sharciga ilaaliyaan, waayo waxaa horay u tagay Madaxweynayaan iyo xubno, iyaguna waa inay sharciga dhowraan, isagoo kula taliyay Madaxda Dowladda inay dhowraan Ammaanka goobta" ayuu yiri Mudane Cumar Islow oo Xildhibaanadan waxay sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu horay uga sheegay in xilligiisa uu dhamaad ku dhowyahay, uuna dib ugu soo sharraxayo inuu xilkaas qabto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya