4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2010
Wadada Dheer ee isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobley oo ay gooyeen biyo ka dhashay roobab xoog leh oo halkaasi ka da’ay.
Isniin, April 05, 2010 (HOL) - Wadadan dheer ee isku xirta magaaladani Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose iyo deegaanka dhoobley ee ku yaal xadka kala qeybiya kenya iyo soomaaliya ayaa waxaa gooyay Roobab xooggan oo dhawaanahanba ka da,ayay qaar katirsan gobollada jubooyinka.
 
Wararka aynu ka heleyno deegaanada u dhexeeyo magaalooyinka kismaayo iyo dhoobley ayaa sheegaya in ay iminka ku xayiran yihin gaadid fara badan iyo safarey ka kicitintay magaaladani kismaayo halka gaadiid kale oo alaabo ganacsi u siday gobolka waqooyi bari ee wadanka kenya lagu soo waramayo in ay ku xayiranyihiin deegaano katirsan gobolkani j/hoose.
 
Qaar kamid ah darawallada gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalooyinka dhoobley iyo kismaayo oo HOL u waramayay ayaa sheegay in ay xirantay wadada dheer ee isku xirta dhoobley iyo kismaayo waxa ayna sheegeen in ay adagtahay in gaadiidku ay ka gudbaan wadadaasi iyagoona sheegay in wadooyinka isku xira magaaloyinka kismaayo iyo Dhoobley ay yihiin kuwo aad u burbursan oo ay biyuhu fariistaan xiliyada ay jiraan roobabka.
 
Waxa aad u adag in gaadiidka rakaabka iyo kuwa ganacsi ay isaga kala gooshaan magaalooyinka Dhoobley iyo Kismaayo, maadama mudooyinkii danbe ay aad u da'ayeen roobab xoogan kuwaa oo sababay in ay dhiiri noqodaan qaar kamid ah wadooyinka soo gala magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose.
 
Xirnaashaha wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka kismaayo iyo dhoobley ayaa kusoo beegmeysa xilli ay jiraan roobab weli ka da'ayo qeybo katirsan gobolkani J/hoose, iyadoo ay dhawaan roobabkaasi sababeen in uu fahaad sameeyo webiga jubba oo ku fatahay dhul beereedyo ku yaal deegaanada gosha ee dhanka waqooyi kaga beegan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya