4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2010
Wasiirka amniga puntland oo Sheegay in Guulo laga gaaray amni xumo ka jirtay G/Bari iyo arimo kale
Isniin , April 05, 2010 (HOL) - Wasiirka amniga DGPL Yusuf axmed Khayr oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Bosaaso ayaa sheegay in Maamulku uu qaadayo Talaabooyin Muhiim ah oo ku aadan Xoojinta amaanka gobolka.

Talaabooyinkaasi ayuu ku sheegay Wasiirku in Wax looga badalayo habka ay u shaqeeyaan Ciidamada Amaanka Puntland si ay uga qayb qaataan xaalado ka jira meelo ka mid ah Puntland.

Waxaa kaloo uu Wasiirku ka hadlay Colaado ka jira Meelo kamid ah Gobolka Mudug iyo Bari ,Waxaana uu ku baaqay in Colaadahaasi la soo gaba gabeeyo ,isla markaana laga wada heshiiyo sida ugu haboon.
Yuusuf Axmed Khayr Wasiirka amniga Punltand ayaa sheegay in Guulo laga gaaray Amini xumadii ka jirtay Magaalada Bosaaso oo horay ay uga dhici jireen Falal amaanka Lid ku ah.

Sidoo kale yuusuf Axmed Khayr Waxa uu ka hadlay Burcad badeeda ku sugan xeebah Puntland  Maalmo  ka dib oo u shir ku qabtay Magaalada Bosaaso ,Waxaana uu xusay in Beesha Caalamka looga baahanyahay taageero arintaasi ku aadan.

Waad la socotaan in Punltand aysan Tababar u ahayn Burcadd Badeeda ,Sababtuna Waa xabsiyadii oo naga buuxsamay "ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay xaaladaha qaar ee Puntland.

laga soo bilaabo isbadaladii uu sameeyay Madaxwayne Faroolle Waxaa gudaha Puntland laga dareemay Xasilooni dhanka amaanka ah ,inkastoo Colaado ay ka soo cusboonaadeen meelo kamid ah Bari iyo Mudug.
 
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya