4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2010
Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo loo qabqabtay dhac ay geysteen dad rayid ah, lana sheegay in Maxkamad lasoo taagayo

Isniin, April 05, 2010 (HOL) Afhayeen u hadlay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qabqabteen askar fara badan oo ka tirsan ciidamada Dowladda, kuwaasoo ku howlanaa dhac ay u geysanayaan dadka shacabka ah.

"Ciidamada aan qabanay waxay isugu jiraan Booliis iyo Milateri, waxaana gacanta ku dhignay iyagoo howlo burcadnimo ku jira, Maxkamad ayaana lasoo taagi doonaa" ayuu yiri Afrax Cali Afrax oo u hadlay Ciidanka Milateriga.

Mas'uulkan wuxuu sheegay inay jiraan ciidamo lagu dilay falalkii burcadnimo ee ay ku jireen, kaddib markii ay isku dayeen inay isdifaacaaan iyagoo khalad ku jira, isagoo sheegay in howshaas ay sii wadi doonaan inta ay joojinayaan falalka ay geysanayaan ciidamada Dowladda.

"Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan goobaha aagaga hore ah, waxaan ku wargelinay inay ka hortagaan falalka ay ciidamadu u geystaan dadka shacabka ah, sida dhaca" ayuu yiri Afrax Cali Afrax oo intaas raaciyay inay jiraan waxyaabo laga dhacay dad rayid ah oo ay dib ugu celiyeen, kuwo kalena ay gacanta ku hayaan.
Dhaca ay ciidamadu geysteen ayuu sheegay in intiisa badan uu ka dhacay Sarkuusta oo ku dhow Ex-koontarool Afgooye ayna isticmaalaan ciidamada ka yimaada Ceelasha Biyaha iyo Jidka isku xira Ex-koontarool iyo Degmada Madiina.

Shacabka la socda gaadiidka isaga goosha Bakaaraha, Dharkeynley iyo Ceelasha Biyaha ayaa dhawaanahan waxay ka cabanayeen dhac ay u geystaan ciidamo ku labisan dharka ciidamada, kuwaasoo mararka qaarkood dhibaatooyin u geysta rakaabka la socda gaadiidkaas.

Ciidamadan la qabqabtay ayuu sheegay Afrax Cali Afrax inay ku xiran yihiin xabsiga dhexe dhawaanna lasoo taagi doono Maxkamad, wuxuuna carrabka ku dhajiyay in marsiin doono sharciga Islaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya