4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2010
Dagaal saakay labo Beelood ku dhaxmaray dagaanno hoostaga dhulka Ismaamulka Itoobiya.
Isniin, 5, April, 2010 (HOL) Wararka ka soo baxaya deegaanno hoostaga dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya qiyaastiina 65-km dhinaca Galbeed kaga beegan degmada Balanballe oo ka tirsan Goballka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay uu dagaal ku dhaxmarayo labo Beelood oo halkaa wada degga.

Tuullada lagu magacaabo Balin-diin ayaa dagaallka saakay ku dhaxmaray labada Beelood waxaa ay wararku sheegayaan in uu daba joogo Is-rasaaseyn maalintii shalay ku dhaxmartay halkaa Maleeshiyo ka kala tirsan labada Beelood ee saakay dagaallku dhaxmaray, waxaana Is-raaseyntaa sida la sheegay ku geeriyooday hal.

Sida uu HOL u sheegay Wariye jooga Goballka Galgaduud dagaallka saakay ka dhacay deegaannada hoostaga dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ah mid ka culus kii shalay halkaa ka dhacay, waxaana uu intaa ku daray in uu saameyn ku yeeshay dagaallka dadka xoola dhaqatada ah ee ku sugan deegaannada lagu dagaallamayo.

Dad ku dhaawacmay dagaallka oo isugu jirra rayid iyo dhawacyadii dagaallamayay ayaa lagu soo waramayaa in la geeyay Isbitaal ku yaalla degmada Balanbale si loogu daweeyo, laakiin ilaa hadda ma cada khasaaraha dhimashada dagaallka saakay dhacay.

Wariyuhu waxaa kaloo uu sheegay in aysan jirin wax waan waan ah oo la dooyo lagu qaboojiyo dagaallka oo u muuqda mid sii fidaya, gaar ahaan marka la eego deegaannka lagu dagaallamayo oo ah mid ay wada degan yihiin dhinacyda dirirtu u dhaxeyso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]