4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2010
Xarrakatul Shabaab oo ka mamnuucay gobollada ay ka taliso hay'ado laga leeyahay Mareykanka iyo Soomaaliya

Arbaco, September 15, 2010 (HOL) − Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka talisa dhul ballaaran oo Soomaaliya ka tirsan ayaa maanta shaacisay inay gobollada ay ka taliso ka mamnuucday inay ka shaqeeyaan hay'ado laga leeyahay Mareykanka iyo Soomaaliya.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa hadalkan ka sheegay mudaaharaad looga soo horjeedo hadal uu dhawaan ku sheegay baadari Mareykankan inuu ku gubayo Kitaabka oo ka dhacay Muqdisho.

"Maanta wixii ka dambeeya waxaan ka mamnuucnay inay dalkeenna ka shaqeeyaan dhammaan hay'adaha Mareykanka laga leeyahay, waxaana ka xusi karaa Mercy Corps, Fusenet iyo Horn Releif oo Soomaaliya laga leeyahay, balse oo xiriir la leh Mareykanka" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Hay'adahan shaqooyinka laga joojiyay oo ka shaqeeya caafimadka, gargaarka deg-degga ah iyo dib u dhiska, halka Horn Releif ay iyadana saacidi jirtay dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya.

"Dhammaan hay'adahan aan soo xusay kama shaqeyn karaan gobollada ay Xarrakatul Shabaab ka taliso, waayo waxay dhibaato ku hayeen dadka Muslimiinta ah ee ku nool gobollada dalka," ayuu yiri Afhayeenka Xarrakatul Shabaab.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaanay ahayn markii ugu horreysay oo ay ka mamnuucdo gobollada ay ka taliso hay'adaha reer galbeedka, iyadoo bishii Ogoosto ee sannadkaan shaqooyinka ka joojisay saddex haya'dood oo ay ku eedeysay inay aasaaseen kaniisado ku yaalla dalka Sweden iyo Mareyanka.

Hay'adaha shaqooyinka laga joojiyay ayaan wax hadal ah kasoo saarin amarka kasoo baxay Xarrakatul Shabaab ee looga mamnuucay inay ka shaqeeyaan gobollada ay maamulaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya