SHEEKH XASAN DAAHIR: "Nabad ka dhatala dalka Soomaaliya waxay ku xuran tahay AMISOM oo baxda"

Sabti, September 11, 2010 (HOL) - Guddoomiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadal u jeediyay qaar ka mid ah taageerayaashiisa iyo dadweyne cidda ku tukaday shalay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in nabad ka dhalata Soomaaliya ay ku xiran tahay AMISOM oo dalka ka baxda.

Sheekh Xasan oo arrintan ka hadlayay ayaa yiri: "Nabadda Soomaaliya waxay ku xiran tahay in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka isaga baxaan, haddii kale waxaa sii soconaya dagaallada lagula jiro."

Hoggaamiyahan ayaa sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwo guulo laga gaaray ayna soconayaan inta la doonayo in muquuniyo shacabka Soomaaliyeed.

"Sababta ciidamada AMISOM ay dalka u joogaan, waa inaan loo ogoleyn Soomaalida inay isku xukumaan Kitaabka Alle, waayo maanta ma jiro qof Soomaali ah oo diidan in lagu dhaqmo diinta Islaamka," ayuu khudbadiisa ku yiri Sheekh Xasan Daahir.

Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay in kooxdiisa iyo Xarrakatul Shabaab ay ku mideysan yihiin in dalka xoog looga saaro ciidamada Afrikaanka ah, haddii laga saari waayo, isagoo sheegay inaysan caalamka ka jirin ummad la haysan karo.

Ururka Xisbul Islaam ayaa ka mid ah kooxaha kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM, waxaana ay dhawaanahan shirar lagu mideynayo labada ciidan ay kula jireen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, inkastoo aanay waxba kasoo bixin.

Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku haysa qayb yar oo Muqdisho ka tirsan, halka kooxaha kasoo horjeeda ay gacanta ku hayaan inta badan dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamad AMISOM ay sheegeen inay Soomaaliya u joogaan difaaca xukuumadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya