Arbaco, September 01, 2010 (HOL) − Waxaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool taliyihii ciidamada Asluubta Somaliland ee gobolkaas Cabdi Ciise Nuur, illaa haddana lama garanayo cid ka danabaysay dilka taliyahaas.
Taliyaha ayaa ku dhintay tacshiirad ay kooxo hubeysan ku fureen, iyadoo maamulka gobolkaas uu sheegay inay ku jiraan baaritaanno ay ku raaadinayaan kuwii ka dambeeyay falkaas, waxayna sheegeen in baaritaanka ay iska kaashanayaan ciidanka booliisku iyo kuwa militariga.
Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay darawalkii taliyaha iyo mid ka mid ah ilaaladiisa gaar ah, waxaana weerarkan uu dhacay isagoo ka soo baxay gurigiisa kuna sii jeeday xafiiskiisa, iyadoo dilkaas uu saameyn ku yeeshay xaaladda daganaasho ee degmadaas.
Dadweynaha mgaalada laascaanood ayaa wuxuu dilkan ku beeray cabsi weyn, iyagoo xasuusnayaa falalkii isugu jiray qaraxyada iyo dilalkii qorshaysnaa ee lala beegsanayay madaxda gobolka iyo saraakiisha ciidmmada qaranka oo ay in muddo ahba ka ladnaayeen.
Maaha markii ugu horreysay ee fal noocan oo kale ah lala beegsado saraakiisha ciidammada Somaliland ee gobolka Sool, balse dhowr jeer oo hore ayaa falalkan oo kale lagu khaarajiyay saraakiil ka tirsan ciidammada Somaliland.
Sahra Maxamed Cali, Hiiraan Online
[email protected]
Burco Somaliland
Taliyihii Ciidanka Asluubta Gobolka Sool ee Somaliland oo xalay lagu dilay Magaalada Laascaanood
More News
- Guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka DKMG ah oo shacabka u soo bandhigay dastuurka cusub
- Xarrakatul Shabaab oo soo bandhigtay Ambalaasyo ay sheegeen in lagu qaadayo dhaawacyada
- Kullankii Golaha Deegaanka Galkacyo oo Maanta Buuq Ku Soo Dhamaaday
- Maxamed Dheere oo beeniyay in la qabsaday gurigiisa eedeynna u jeediyay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin
- Ardayda cusub ee ku biiraysa Jaamacadda Muqdisho oo uu u bilowday Toddobaadka dhaqanka (DAAWO SAWIRRO)
- Wariye ka tirsanaa Idaacada Daljir ee magaalada Gaalkacyo oo xalay la dilay
- Guddiga Dabogalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc oo ka digay ciidammo dheeraad ah oo loo diro Soomaaliya