5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2010
SHIIKH XASAN YACQUUB: “Aniga kama cararin Kismaayo”

Khamiis, October 07, 2010 (HOL) - Shir Jar’aaid oo uu maanta qabtay gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali, ayaa waxa uu ku beeniyay warar ay sii daayaan qaar kamid ah warbaahinta oo sheegayay in Gudoomiyaha Degmada Kismaayo uu isaga cararay gobolka, arintaasoo uu ku tilmaamay in ay tahay mid wax kama jiraan ah islamarkaasina been abuur ah.

Qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa waxa ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay tabinayeen warar sheegaya in uu qilaaf soo kala dhex galay masuuliyiinta Xarakada Alshabaab ee gobollada Jubooyinka, iyagoo sidoo kale sheegayay in gudoomiyaha degmada Kismaayo uu isaga cararay guud ahaanba gobolka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ku kalifayso in uu gobolka ka cararo, waxaana uu ku tilmaamay arintaasi in ay tahay mid la doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed.

“Arintaasi waa arin aan jirin, waana been aan laga xishoon,” ayuu yiri Mr. Yacquub oo xafiiskiisa degmada Kismaayo kula hadlayay warbaahinta.

Hadalkan kasoo yeeray gudoomiyaha maamulka degmada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah warbaahinta caalamka ay sheegeen in magaalada Kismaayo ay isaga huleeleen masuuliyiin katirsan maamulka degmada Kismaayo oo uu kamid yahay gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya