Jimco, 15, Oct, 2010 (HOL) Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Dhuusa-mareeb.
Xiriir ay HOL la sameeysay dad ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb ayaa u xaqiijiyey in magaalada ay hadda deggen tahay.
Wararka waxay intaa ku darayaan in Xarakada Al-Shabaab oo maanta qabsaday magaalada Dhuusam-Mareeb ay iskood isaga baxeen magaalada.
Wixii warar ah ee arrintaan ku soo kordha dib ayaan idiinku soo sheegidoonaa.