Sabti, May 08, 2010(HOL): Wararka aynu ka heleyno degmada bu’aale ee gobolka j/dhexe ayaa sheegaya in webiga Jubba uu ku fatahay Degmadaasi Bu’aale iyo Deegaano kale oo hoostaga Degamdaasi.
Fatahaada webiga ayaa timid kadib markii mudooyinkii ugu danbeeyay ay Roobabka gu’ga siweyn uga da’een Gobollada Jubooyinka, waxaana lagu soo waramayaa in biyaha ka yimid webiga ay siweyn u buuxiyeen dhul beereedyada ku yaal Degmadaasi Bu’aale ee xarunta gobolka j/dhexe.
Qaar katirsan dadka ku dhaqan Degmada Bu’aale ee gobolka j/dhexe ayaa inoo xaqiijiyay in fatahaada webigu ay siweyn u socoto waxaana ay sheegeen in laga cabsi qabo in goobo kale ay gaarto fatahaada.
Maamulka iyo ganacsatada ku dhaqan Degmada Bu’aale ee gobolka j/dhexe ayaa wado dadaallo ay doonayaan in ay ku xiraan goobaha uu webiga ka fatahay iyadoo lagu soo waramayo in gurmadka ay wadaan ganacsatada iyo maamulka laga dareemi karo degmada Bu’aale ee gobolka j/dhexe.
Webiga ayaa sidoo kale ku fatahay deegaanada lagu magacaabo Raaxoole, Duqiyo, caanoole. Iyo Farbutoow oo dhamaantoodba hoostaga degmada Bu’aale ee gobolka j/dhexe.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu fatahaad sameeyo webiga jubba hore ayuu webigu fatahaad tan lamid ah uga sameeyay deegaanada gosha ee gobolka j/hoose halkaas oo ay qasaaro kazoo gaartay beeraley ku dhaqan deegaanadaasi.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya