4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 6 , 2010
Xarrakada Al-Shabaab oo la sheegay in Iskuullada ku yaalla Afmadow ay ka joojisay in lagu barto Luuqadda Ingiriiska iyo Seyniska

Sabti, Mar 06, 2010 (HOL) - Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa kusoo rogtay Iskuullo ku yaalla degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose inaan lagu dhigi karin luuqadda Ingiriiska, iyagoo ku tilmaamay luuqaddaas inay tahay mid Jaajuus.

Warkan oo ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa waxay soo xigteen dadka deegaanka ah, iyadoo lagu wargeliyay maamulada Iskuullada lagu soo rogay amarkan in waxbarashada ay u balaan Luuqadda Ingiriiska.

Iskuullada amarkan lagu soo rogay oo lagu kala magacaabo Dhoobaale, Waamo iyo Cismaan Maxamuud, iyadoo cuqaasha deegaanadaas ay sheegeen in saraakiishu ay luuqada Ingiriiska ku sheegeen mid ay adeegsadaan dadka Jaajuusiinta ah.

"Saraakiil Xarrakada ka tirsan waxay noo keeneen qoraal ay ku sheegayaan inaan ku joojino qorista Ingiriiska, ayna ku badalaan Carabiga, sidoo kalena waxay noo soo jeediyeen inaan ardayda ku darno xoogagooda" ayuu yiri Macallin diiday inuu magaciisa sheego oo wax ka dhiga Iskuuladan.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo gacanta ku haysa Gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya ku yaalla ayaa kusoo rogtay xukunka Islaamka, waxayna joojiyeen daawashada Aflaamta iyo dhaqamo kale oo aan Islaamka ku wanaagsanayn.

"Maamulka Jubbooyinka wuxuu muddo kooban xiray Axaddii lasoo dhaafay iskuullada waxaana ugu dambeyn lagu wargeliyay inay joojiyaan dhigista Luuqadda Ingiriiska, taasoo ay ku sheegeen inay tahay luuqad Reer Galbeed" ayuu yiri Cali Mowliid oo ka mid waxgaradka degmada Afmadow.

"Waxay noo sheegeen inay la socdaan qofkii doonaya inuu Jaajuus u noqdo dalalka Reer galbeedka uu barto Luuqadda Ingiriiska" ayuu mar kale yiri Cali Mowliid oo xusay in Iskuulada aysan weli wax go'aan ah ka qaadan amarkaan oo muddo bil ah loo qabtay.

Maamulayaasha Iskuuladan ayaa sheegay inay amar ku siiyeen in 23-Macallin oo aan wax badan ka aqoon Luuqadda Carabiga laga eryo shaqada, taasoo ay diideen sida ay sheegeen maamulayaasha.

Hooyo Safiyo Cali oo caruurteeda qaarkooda ay dhigtaan Iskuulada lagu soo rogay inay badalaan qaabkooda waxbarasho ay la yaabtay arintaas, iyadoo sheegtay in caruurtooda ay bartaan Qu'aanka ayna yihiin Muslimiin baran kara Ingiriiska.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya