| |
Kulan Lagu Hormarinayo Anshaxa Saxaafadda Afrika oo Maanta ka furmay Magaalada Kampala (DAAWO SAWIRRO)
 Jimco, March 05, 2010(HOL): Magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa maanta ka furmay shir ay isugu yimaadeen hogaamiyaasha suxufiyiinta qaarada afrika qaarkood. Shirka ayaa waxaa daaha looga qaadayay ololaha caalamiga ah ee lagu hormarinayo Anshaxa Saxaafadda (Ethical Journalism Initiative - EJI). Shirkan oo uu soo abaabulay Ururka Suxufiyiinta Bariga Africa ee EAJA oo gacan ka helaya Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ iyo Ururka Suxufiyiinta Qaarada Afrika ee FAJ. Shirkan ayaa waxaa looga hadlayay sida ololahan caalamiga ah looga fulin lahaa qaarada afrika, dhibaatada ka heysata suxufiyiinta sidii ay ugu dhaqmi lahaayeen anshaxa caalamiga ah ee saxaafada u degsan, takooritaan lagu hayo dadka laga tirada badan yahay iyo sida ay anshaxa saxaafada loogu dhaqmi karo goobaha ay colaadaha ka jiraan.
 Shirka oo ka bilowday maanta Imperial Royale Hotel ayaa furitaankii shirka waxaa hadal soo dhaweyn ah ka jeediysay, Lucy Akadu oo ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Uganda, waxayna xustay in shirkan diiradda lagu saarayo anshaxa saxaafadda, kaasi oo muhiim u ah dalalka Bariga Afrika oo inta badan saxaafaddoodu ay saameyn xoog leh ku yeelatay bii’ada ay saxafiyiinta ku nool yihiin. Muxudiin Idiris Titawi, oo ah guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Bariga Africa, ahna guddoomiyaha ururka suxufiyiinta dalka Suudaan ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay shirka ku tilmaamay in uu yimid shirkan xilligii ugu habboonaa, loona baahan yahay in saxaafadda Bariga Africa la joogo xiligii ay anshaxeeda sameysan lahayd. Titawi ayaa ku boorriyay dalalkii ka soo qeyb galay in waxa shirka ka soo baxo dal walba suxufiyiinta joogto looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan, lagana tegay xiligii saxaafadda si professional ah loogu dhaqmi lahaa.
Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Africa (FAJ) ayaa qeexay muhiimadda iyo faa’iidooyinka uu ku soo kordhin karo gobolka xili uu saxaafadda gobolka ay halakeeysay laaluush, faqri, mushahar yari taasoo dhalisay saxaafad mugdi ku jirto oo cidiba meeshay doonto u jiidato. “Saxaafadda waxaa ay ku jirtaa is badal xoog leh oo sameynaya qaabka ay u shaqeynayso. Tirada warbaahinta ama xarumaha saxaafadda waa ay sii kordhayaan balse waxaa hoos u dhac kujiro tayada saxaafadda qaarada dhexdeeda” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan. Cumar Faaruuq waxaa uu sidoo kale uu sheegay in ururka suxufiyiinta Afrika kulamo isdaba joog ah uu ku qaban doono meelo badan oo ka tirsan qaarada Afrika sida Addis Ababa, Abuja, Accra, Dakar, Libreville, Lusaka, Dares Salaam, Harare iyo Johannesburg si kor loogu qaado wacyiga bahda saxaafadda qaarada Afrika eek u aadan ku aadan meel marinta mabaa’diida aasaasiga ah ee Anshaxa Saxaafadda. “Waxaa loo baahan yahay in suxufiyiinta, tifatirayaasha iyo milkiilayashada saxaafadda si wada jir ah ugu shaqeeyaan sidii loo dhowri lahaa anshaxa saxaafadda. Xuquuqda Suxufiyiinta iyo Xoriyadda saxaafadda waan difaaci doonaa balse waxaa loo baahan yahay layska fogeeya kuwa ku xadgudba anshaxa iyo nidaamka aas-aasiga ah ee u dagsan saxaafadda” ayuu ku daray guddoomiyaha Suxufiyiinta Afrika Cumar Faaruuq Cusmaan mar uu ka hadlaayay sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan meel marinta nidaamka caalamiga ah ee Anshaxa Saxaafadda.
Shirkan oo ah mid muhiimad gaar ah leh ayaa waxay mas'uuliyiinta ka socday Ururrada Saxaafadda Heer gobol iyo Heer Caalami waxay hoosta ka wada xariiqeen in anshax la'aani aysan jiri karin ama dhaqdhaqaaq sameyn karin xoriyadda saxaafadda, iyadoo si gaar ah looga dhawaajiyay in haddii saxaafadda ay anshax wanaagsan ku dhaqanto ay taasi yareyn karto tacaddiyada loo geysto ee loogu soo gambado in ay saxaafadda xadgudubtay.
Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ ayaa shirka kaga soo qeyb galay si sarreysa. Aidan White, xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Adduunka ayaa in badan ka faalooday waxa ay saxaafadi tahay. “Waxaan taageereynaa hanaanka uu horkacayo ururka suxufiyiinta Afrika. Waxaan soo dhaweyneynaa dadaalka lagu doonayo in ol-olahan caalamiga ah lagu meel marinaayo” ayuu yiri Aidan White oo socdaal uu kusoo maray magaalada Nairobi kulan kula qaatay mas’uuliyiinta ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee Nairobi ku sugan kuwaasoo uu horkayaya Xiriiriyaha NUSOJ ee Kenya Mudane Axmednuur Mohamed Faarax. Shirkan ka furmay magaalada Kampala ayaa waxaa Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ku matalayay Maxamed Ibraahim Isaaq (Bakistaan) iyo Mustafe Xaaji Cabdi-Nuur oo ah Suxufi ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda. Mustafe Xaaji Cabdinuur oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed mar waliba ka fekeraan sidii ay runta u sheegi lahaayeen, dhex-dhexaad u noqon lahaayeen ayna u dhowri lahaayeen magaca ay ku dhex leeyihiin bulshada dhexdeeda.



Maxamed Ibraahim Isaaq (Bakistan) bakistaan@gmail.com Kampala, Uganda
|
|
Dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho
05/03/2010 7:15 AM EST
Jimco, Mar 05, 2010 (HOL) Dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga kasoo hojeeda ayaa saakay ka dhacay qaybo ka tirsan degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Dagaal culus oo maleeshiyo beeleed ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan Goballka Mudug
05/03/2010 1:42 AM EST
Jimco, Mar, 05, 2010 (HOL) Ku dhawaad 16 oo ayaa ku geeriyootay in ka badan 40 ruuxna waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo labo Maleeshiyo beeleed ku dhaxmaray deegaannka Camaara oo ka tirsan Goballka Mudug, halkaa oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay ka jirtay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa beelaha dirirtu dhaxmaray.
|
|
|
|

|
|
 |
|
|
|
 |
Refugees Lie About Age to Avoid Deportation, But at a Price
- SR
05/03/2010 10:03 AM EST
Child refugees coming alone to Sweden aren’t always children. According to workers at several different refugee housing facilities, many people say that they are younger than they actually are in order to get better treatment and avoid deportation.
|
Somali pirates, security personnel in 4 shootouts
- AP
05/03/2010 9:57 AM EST
NAIROBI, Kenya (AP) — Swarms of Somali pirates are moving into the waters off East Africa, triggering four shootouts Friday including a skirmish with French military personnel that sunk a pirate skiff, officials said.
|
French warship detains 11 suspected Somali pirates
- dpa
05/03/2010 9:51 AM EST
London/Nairobi (dpa) - A French warship has arrested 11 suspected Somali pirates and destroyed their vessels, European Union naval forces said Friday. EU NAVFOR Somalia, the EU's anti-piracy mission in the region, said the FS Nivose had been sent after a pirate attack group that had earlier failed to hijack a French vessel.
|
Brit Couple To Be Freed In 'Two Weeks'
- Sky News
05/03/2010 7:38 AM EST
A retired British couple being held by pirates in Somalia may be freed within a fortnight, a senior Somali official has said.
|
Somali Islamist rebels ban English, science lessons
- Reuters
05/03/2010 7:35 AM EST
NAIROBI (Reuters) - Somalia's hardline Islamists have banned English and science studies in schools in the southern Afmadow town after the education centers there ignored the rebels' call for fighters, residents and teachers say.
|
Inter-clan fighting kills 14 in central Somalia
- Reuters
05/03/2010 7:33 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - More than a dozen people were killed and many more were hurt when two clans clashed in central Somalia, residents and community elders said on Friday.
|
Somali official: UK couple to be released soon
- AP
05/03/2010 7:32 AM EST
NAIROBI, Kenya — A retired British couple snatched last year from their sailboat by pirates could be released within weeks as Somali communities inside and outside the East African country work for their freedom, a Somali official said Friday.
|
AFRICOM Officials Discuss Somalia Issues
- PRESS RELEASE
05/03/2010 7:30 AM EST
BRUSSELS, Belgium, Mar 5, 2010 — U.S. military support to international efforts in Somalia was discussed during a media roundtable March 4, 2010, in Brussels, Belgium, with two senior members of the U.S. Africa Command staff who were visiting representatives of the European Union.
|
|
| |
| |
Contact : webmaster@hiiraan.com |
 |
| |
|
|