4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 27, 2010
Guddoomiyihii Degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir oo lagu dilay Qarax Miino

Sabti, Mar 27, 2010 (HOL) - Guddoomiyihii degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir Axmed Sheekh Maxamuud (Qoorleex) ayaa ku dhintay Qarax saakay lagu eegtay degmadaas, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen ku xigeenkiisii dhinaca ammaanka iyo darawalkiisii.

Qaraxan ahaa mid ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa wuxuu burbur xooggan gaarsiiyay gaarigii uu marxuumku watay, iyadoo aanay jirin weli cid sheegatay inay mas'uul ka ahayd weerarkaas.

Guddoomiyaha la dilay oo noqonaya kii ugu horreeyay oo laga dilo maamulka Gobolka ee uu hoggaaminayo Eng. C/risaaq Nuunne ayaa qaraxa lagula beegsaday degmada Xamarjajab meel ku dhow Xeradii Afasiyooni, xilli uu ku socday howlgal la doonayo in lagu burburiyo dhismayaasha ku yaalla xeradaas.

Marxuum Qoorleex ayaa hadalkiisii ugu dambeeyay wuxuu ka jeediyay Khamiistii burburinta guryo ay dad rayid ah ka dhisteen xerada Afaasiyooni iyo meelo ku dhow Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo sheegay in howshan ay tahay mid lagu sugayo ammaanka, dadka la kicinayana la dajin doono deegaanno kale.

Goobjoogayaal diiday in magacyadooda lasoo xigto ayaa sheegay in qaraxa lagu dilay guddoomiyaha degmada Xamarjajab uu ahaa mid xooggan oo laga maqlay degmada oo dhan, inkastoo aan gacanta lagu dhigin kooxihii ka dambeeyay.

Marxuumka la dilay ayaa wuxuu dhowr jeer oo hore ka badbaaday falal qaraxyo ah iyo kuwo toos ah oo la doonayay in lagu dilo, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha ugu firfirkoon maamulka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya