3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2010
Dhaawacyada ku jira Isbitaallada Madiina, Dayniile iyo Keysaney oo la gaarsiiyay kaalmooyin lacageed (DAAWO SAWIRRO)


Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Kaalmo lacageed oo gaaraysa 1,800-Dollar ayaa loo qaybiyay dhaawacyada ku jira Isbitaallada Keysaney, Madiina iyo Dayniile oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Lacagtan kaalmada ah ayaa waxay isugu jirtay mid ay ku deeqeen urur ay leeyihiin haween Soomaali ah oo lagu magacaabo Aadami iyo Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool dalka Holland, waxaana lacagtaas qaybisay Caasho Cusmaan Ugaas (Caasho Shaacuur).

Isbitaallada laga qaybiyay lacagtan deeqda ah ayaa waxaa ku jira dad isugu jira Haween, Rag, Waayeen iyo Caruur, kuwaasoo waxyeello ay kasoo gaartay xabbada iyo madaafiicda ay isku adeegsanayaan dhinacyada ku dagalaamaya Muqdisho.

Bukaannada ku jira Saddexdan Isbitaal ayaa waxaa midkii loo qaybiyay lacag dhan 600-Dollar, iyadoo dhaawacyadu ay u mahadceliyeen dadkii deeqdaas lacageed u soo dhiibay.

Isbitaalka Keysaney oo ay ku jiraan 105 ayaa si siman loogu qaybshay lacagtii deeqda ahayd ee loogu talogalay, iyadoo Agaasimaha Isbitaalkaas Cali Yuusuf Maxamed (Cali Bile) isagoo u mahadceliyay dadkii soo dhiibay deeqda lacageed.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in dadka ku jira Isbitaallada ay dhammaantood yihiin kuwo kusoo waxyeelloobay dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo 24-kii saac ee ugu dambeeyay la gaarsiiyay Isbitaalka 24-qof sida uu sheegay agaasimuhu.

Isbitaalka Dayniile ayaa bukaannada ku jira waxaa la gaasiiyay deeqda lacageed, iyadoo ay u qaybisay Caasho Shaacuur, waxaana agaasimaha Isbitaalka Dr. Faysal Xaaji Cumar Gacan uu u mahadceliyay dadkii soo dhiibay deeqda.

Lacagtan ayaa waxaa soo dhiibay 1300-Dollar oo ka mid ah Haween ku nool dalka Mareykanka oo leh Urur samofal oo lagu magacaabo Aadmi, iyadoo 500-Dollar oo kalena ay soo dhiibeen gabdho Soomaaliyeed oo ku nool dalka Holland.

Caasho Cusman Ugaas (Caasho Shacuur) oo ka hadashay Isbitaalka ayaa ugu baaqday dhinacyada isku haya gudaha dalka Soomaaliya inay joojiyaan xabbada si aanay dadku u dhamaan.

Isbitaalka Madiina ayaa isagana la gaasiiyay deeqda lacageed, iyadoo bukaannada ku jira oo gaarayay 122-qof loo qaybiyay 600-Dollar, waxaana ka hadashay Duniyo Cali Maxamed oo u mahadcelisay haweenka Soomaliyeed ee lacagtan soo dhiibay.

Duniyo waxay sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay lasoo gaarsiiyay Isbitaalka 48-qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaasoo qaarkood ku dhaawacmay madaafiic aan la garanayn cidda soo tuurtay.

Caasho Shaacuur iyo Faadumo Jaamac oo wakiillo ka ahaa haweenkii lacagtan ku deeqay ayaa sheegay inay uga mahadcelinayaan gabdhihii gartay inay gargaarka u soo dhiibeen walaalahooda ku dhibaateysan gudaha dalka.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/21/2010 8:47 AM EST
Axad, 21 March 2010 (HOL)- Safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya, ayaa la sheegay inay martiqaad u fidisay saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland.

3/21/2010 8:10 AM EST
Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Shirar jaraa'id oo ay ku kala qabteen Muqdisho wasiirka Lacagta C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayay kaga hadleen arrimo kala duwan.

3/21/2010 8:09 AM EST
Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Ugu yaraan 4-qof ayaa ku dhintay 8-qof oo kalena waxay ku dhaawacmeen shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

3/21/2010 6:44 AM EST
Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culummadii Soomaaliyeed ee ka qaybgalay shir looga hadlay arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in shirkaas laga soo saaray go'aanno ay ka mid ahaayeen in dagaallada socda aysan ahayn Jihaad.

3/21/2010 6:44 AM EST
Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada hoose ayaa gacanta ku dhigay askari ka tirsan ciidamadooda oo qof rayid ah u geystay dil, kaddib markii uu rasaas ku furay gaari u socday degmada Marko.

3/21/2010 6:42 AM EST
Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaadday inaysan jirin wax xiriir ah o u dhexeeya Xarrakatul Shaababul Mujaahidiin iyo Burcad-badeedda Soomaaliya.

3/21/2010 6:42 AM EST
Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Waxgarad kasoo kala jeeda beelihii dhawaanahan ku dagaalamay deegaannada Camaara iyo Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa lagu guuleystay in la kala qaado, lana dhexdhigo xabbadjoojin.

3/21/2010 6:41 AM EST
Axad, Mar, 21, 2010 (HOL) Degmada Caabud-waaq ee Goballka Galgaduud ayaa xalay waxaa ka dhaqan galay Bandow aan hora loo sii shaacin oo ay ku soo rogeen Maamulka Culiamda Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku haya degmada.

3/21/2010 6:40 AM EST
Axad, Mar 21, 2010 (HOL)-Wasiirka Cusub ee Caafimaadka DGPL oo shir ku qabtay Magaalada Garowe ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay wax badan kaga duwanaan doonto Wasaaradaha kale ee ka jira Gobolka.