3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2010
Ciidamo ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam oo ku sugnaa Gobolka Shabeellada hoose oo sheegay inay ku biireen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin

Khamiis, June 03, 2010 (HOL) − Ciidamo ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam ayaa ku biiray kuwa Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya Gobolka Shabeellada hoose sida u sheegay taliyaha Ciidamadii Xisbul Islaam ee ku biiray Xarrakatul Shabaab.

Sheekh Daa'uud oo ah taliyaha ciidamada Xisbul Islaam oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Kaba-hirig oo ka tirsan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellada hoose ayaa sheegay inay go'aankaas qaateen kaddib markii ay shirar dhowr ah la yeesheen Saraakiisha Xarrakatul Shabaab.

"Go'aankan wuxuu ahaa mid aan innagu gaarnay, waxaana wixii maanta ka dambeeya ka tirsannahay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, waxaana caddeynaynaa inaan ka baxnay Ururka Xisbul Islaam" ayuu yiri Sheekh Daa'uud.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/qani Kaba-Jecel oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan kusoo biiray ay soo dhaweeyeen, ayna muddo yeelanayeen wadahadallo.

"Waxaa dhankeenna kusoo biiray ciidamo ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam, waxaana ay ku suurogashay kulammo muddo dheer socday oo aan yeelanay, tanina ma ahan inuu jiro dagaal nagala dhexeeya Xisbul Islaam" ayuu yiri Sheekh C/qani Kaba-Jecel.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ay ku biiraan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, waxaase horay ugu biiray Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turkey) oo ahaa aasaasihii xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/3/2010 10:43 AM EST
Khamiis 3, Jun, 2010 (HOL) Waxaa goor dhaw Magaalada Beledweyne gudaha u soo galay Ciidamo ka tirsan kuwa Ururka Xisbul Islaam oo Sadax maalmood ka hor ay kala wareegeen gacan ku heynta Beledweyne Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, kadib markii Ciidamadii Dowladda ee fariiskinka ku lahaa Is-gooyska Jante-kuundisho goor dhaw u dhaqaaqeen dhinaca deegaannka Kala-beyr oo 23-km dhinaca W/qooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne.

6/3/2010 10:42 AM EST
Khamiis, 3, Jun, 2010 (HOL) Dagaalo inta la xasuusto ah kuwii ugu cuslaan ee soo mara Goballka Galgaduud ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dhaxmaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada Dhuusa-mareeb Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

6/3/2010 10:42 AM EST
Khamiis, June 03, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho kaddib markii ay kasoo qaybgaleen shirkii ay dalka Faransiiska ku yeesheen dalalka Afrika iyo Faransiiska, kaasoo ka dhacay Magaalada Nice 31-kii May illaa 1-dii Juun.

6/3/2010 10:41 AM EST
Khamiis, June 03, 2010 (HOL) − Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo saakay aroortii hore ka bilowday Degmooyin ku yaalla Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

6/3/2010 10:41 AM EST
Khamiis, 03 June, 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta ka hadlay xaaladda dalka iyo sidoo kale waxyaabaha Xisbigoodu ku rabo in uu mar kale ku hanto talada dalka, ka dib markii maanta Xisbiga UDUB ee uu guddoomiyaha ka yahay bilaabay Ololaha Doorashada ee Madaxtooyada Somaliland.

6/3/2010 10:40 AM EST
Khamiis, 3, Jun, 2010 (HOL) Is-gooyska Jante-kuundisho ee duleedka Beledweyne oo farasiin u ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dhawaan gacan ku heynta Magaalada Beledweyne kala wareegay Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa ka socda Abaabul dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Xoogagga Dowladda Soomaaliya kuwaa oo doonaya in ay ka hor tagaan weerar laga yaabo in uu kaga yimaado kooxaha gacanta ku haya qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan.

6/3/2010 10:39 AM EST
Khamiis, June 03, 2010 (HOL) − Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya Abuukar Cabdi Cismaan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay ku guuleysatay in la xaqiijiyo Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

6/3/2010 10:33 AM EST
Khamiis,03, Jun, 2010 (HOL) Labo ka tirsan Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ayaa ku dhaawacmay howlgal lagu soo Furtay Markab ay kooxo Burcad badeed ah afduubteen maalintii shalay ahayd ,kaasi oo u rarnaa Shirkada Muwaafaq oo Xafiisyo kala duwan ku leh Puntland.