4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 28, 2010
Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islama oo ku dagaalamay gacan ku haynta Tuulada Haakow oo ka tirsan Degmada Wanlaweyn

Isniin, June 28, 2010 (HOL) − Iskahorimaad u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa ka dhacay shalay gallinkii dambe tuulada Haakow oo ka tirsan Degmada Wanalweyn, inkastoo aan la sheegin khasaare ka dhashay.

Dagaalkan ayaa ka dhashay markii ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo gacanta ku haya tuulada lagu dagaalamay ay diideen inay ku biiraan Xarrakatul Shabaab ayna wareejiyaan hubka.

Waaliga Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Degmada Wanlaweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose Sheekh Ayuub Sheekh Axmed oo saxaafadda kula hadlay Degmada Wanlaweyn ayaa sheegay inaysan ciidamo u direen deegaanka ka hor intii uusan dagaalku bilaaban.

"Ciidamo ayaan geynay Tuulada Haakow oo 5-km koonfur kaga beegan Wanlaweyn, mana ogolaanayno in deegaanka laga xukumo meel ka fog degmada Wanlaweyn sida Afgooye oo kale" ayuu yiri Sheekh Ayuub Sheekh Axmed.

Lama yaqaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, iyadoo rasaasta laga maqalayay gudaha Degmada Wanlaweyn, balse wararka ayaa sheegaya in Tuulada Haakow ay isaga barakaceen dadkii ku noolaa oo u badnaa beeraley.

Dhawaan ayaa Maamullo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam waxay ku biireen Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Degmada Wanalweyn, kuwaasoo gacanta ku hayay deegaano ay ka mid yihiin Kaba-hirig iyo Leego.

Cuqaasha Tuulada Haakow ayaa u sheegay Saxaafadda in saakay ay xaaladdu daggan tahay, balse ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay labada dhinac wadaan, taasoo sababi karta inay mar kale dagaalamaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya