4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 14, 2010
Wax soo saarka Beeraha Gobolka Jubadda Hoose oo si dardar leh u socdo (DAAWO SAWIRRO)

Isniin, June 14, 2010(HOL): Mar aan shalay safar ku tagay deegaanada gosha ee dhanka waqooyi kaga beegan magaalada kismaayo ayaa waxaan booqday deegaano dhowr ah oo ay kamid yihiin Wirkooy, Zanguuni, Mogaanbo iyo Araare oo dhamaantood ah ubucda beeraha gobolka J/hoose, waxaana halkaasi ku arkay dalagyo fara badan oo ay beereen beeraleyda kuwaa oo ay kamid yihiin Muuska, Galleyda, Sisinta, Cambaha, Qaraha, Liinta iyo weliba kuwo kale oo badan.
 
Mid kamid ah Beeraleyda gobolka J/hoose oo lagu magacaabo Max'ed Siciid oo aan ka wareystay howlahooda shaqo ayaa sheegay in ay wadaan shaqooyin fara badan isagoona sheegay in fatahaadii webiga jubba ay cabsi badan ku beertay qaar kamid ah beeraleyda balse waxa uu xusay in weli howlaha beera tabcashada ay si dar dar leh u soconayaan.


 
Waxsoosaarka beeraha Gobolka J/hoose ayaa u muuqanaya in ay yihiin kuwo isa soo taraya iyadoo ay si habsami leh u socdaan tabcashada dalagyada kala duwan ee ay beerayaan dhulqodotada gobolka J/hoose.
 
Beeraleyda ayaa inoo sheegay in sanadkan uu yahay sanadka ugu tabcashada badan marka loo eego sanadihii lasoo dhaafay taasina waxa ay u sababiyeen in bulshada ku dhaqan gobolka j/hoose ay usoo jeesteen sidii ay wax uga soo saari lahayeen dhulkooda.
 
Iyadoo beeraha gobolka j/hoose ay kasoo go’ayaan dalagyo ayaa hadana waxaa jiro fatahaado balaaran oo uu wado webiga jubba oo ku fatahay inta badan deegaanada gosha ee ku yaal waqooyiga gobolka j/hoose.







Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya