4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 9 , 2010
Masaajid Loogu Magacdaray Masjidu Shuhadaa Ayaa Maanta Laga Furay Madaxtooyada (Sawirro

Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya
Friday, July 09, 2010

Muqdisho, Somalia, July 9, 2010 - Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa maanta Madaxtooyada Soomaaliya ka furay masaajid weyn oo jaamac ah, masjidkaas oo loo bixiyey Masjidu Shuhadaa, masjidkaan waxaa uu hroay Madaxweynuhu u dhagax dhigay 13-kii bishii Febraayo ee sanadkaan. 



Masjidka oo ilaa afar boqol oo qof ay markiiba ku tukan karto, waxaa loogu magac daray shuhadadii u dhintay difaaca diinta, dadka iyo dalka oo ay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi Aaden, Ibraahim Caddow, Qamar Aden, Axmed cabdullahi (Waayeel), Saleebaan Colaad, iyo boqolaalka kale ee sida xaqdarada ah loo diley.

Masjidu Shuhadaa waxa uu noqon doonaa masaajid duruus cilmi ah ay ka baxdo, salaadahana lagu oogo. 

Furitaankii masjidka ee maanta waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka, Dekedaha Sheekh Aden Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidamada Qalabka-sida Sarreeye Guuto Maxamed Geelle Kaahiye iyo Madaxka Xafiiska Madaxweynaha Cabdulkareem Xasan Jaamac. 



Madaxweynaha iyo madaxda kale ayaa laba ragco oo sunno ah ku tukudey masjidka.

Dhinaca kale, salaaddii jimcaha ayaa Madaxweynaha waxaa Masjidu Shuhadaa maanta kula tukadey masuuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cali Maxamed Looyaan, Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Daahir Maxamud Geelle, Wasiirkii hore ee Caddaaladda, Sheekh C/raxmaan Janaqow, Xildhibaan Ugaas Axmed Bille iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Madaxtooyada
Communications / Warfaafinta
Email:[email protected]