4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2010
Ciyaarihii Sweden ee Kubadda Koleyga oo la soo gabagabeeyay (DAAWO SAWIRRO)


Khamiis 22, July 2010(HOL): Tartamadii  xagaaga  ciyaaraha K-koleyga Sweden ayaa si aad u qurux badan habeenimadii xalayto o taariikhdu ay ku begnayd 20 JULY 2010  loogu soo gabagabeeyay garoonka K-koleyga  ee UNGDOMSHUS I   ee ku yalla xafadda Rinkeby.

Ciyaarahasi iyaga ah oo ay qabanqaabadiisa  iska lahaayeen   Ururka dhaqanka iyo cayaaraha Sweden oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SKIF   ayaa waxaa ka soo qaybgalay kooxo ka kala yimid dalalka Sweden iyo Uk, iyo qaar badan oo ka tirsanaa halgamayaashii Isboortiga Soomaaliyeed  gaar ahaan K-koleyga.(Legends)


Ciyaarahaasi ayaa waxaa ka qaybgalayay 4 kooxood oo kala ahaa: South Stockholm, West London, Stockholm, Acton Vale iyo Gavle. Waxaana barbar socday   ciyaaro dhexmaray  Odayaashii cuslaaday ee ciyaarta Kubadda Kolayga.


Ciyaartii  kama dambaysta ahayd oo aad u xaraarad badnayd ayaa waxaa fooda is daray kooxaha kala ah West London iyo Stockholm, waxaana dawashadeeda ka so qayb-galay dadweyne aad u faro badan oo iyagu kala tageerayay labada kooxood. In kasta oo aad mooday qaybtii hore inay aad u gacan sarreeyeen inamada kooxda Stockholm, haddana arrintaasi ma  sii socon , waxaana kooxda west London ay jaanta isla heleen wareeggii dambe ee cayaarta oo ay hoggaanka la wareegeen. Ciyartiina waxa ay ku so gabagabowday kooxda west London oo ay guushu ku raacday 71 dhibcod, halka kooxda Stockholm ay ka keensadeen 68 dhibcood.

Daawashada ciyaarahaasi waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka Ölymbikada Soomaaliyeed ,Xoghayaha Olymbikada Soomaaliyeed, guddoomiye ku xigeenka XSKK, Kaaliyaha xoghayaha XSKK,Tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha K-koleyga, ciyaaryahannadii (Legends) xulka qaranka  Soomaaliyeed oo isugu jiray gabdho iyo wiilal iyo macallimiin heer  qaran, tababarayaal,Garsoorayaashii Caalamiga ahaa ee Soomaaliyeed.


Sidoo kale waxaa ciyaarahan ka soo qeybgalay Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Farxiyo Cali Cabdi oo ay la socdeen saaxibadeeda kala ah Amanda iyo Sandra una ciyaara xulka qaranka k-koleyga Sweden, ciyaryahannadii heerka qaran ee K-cagta iyo  marti sharaf aad u faro badnayd oo ka kala yimid Europé iyo North Amerika oo halkaasi lagu casuumay iyo daawadayaal aad u faro badnaa.   


Guddoomiyaha Ururka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Mr. Abuukar Aadan Deeqow (Boss Caato),
oo aan halkasi kula kulmay xiritaankii cayaarta ka dib ayaa  wuxuu si aad ugu mahadceliyay dadkii sida hagar la’aanta ah ula shaqeeyay, Madaxdii, maamulkii, tababarayaashii, garsoorayaashii, dadkii qaaliga ku ahaa isboortiga Soomaaliyeed  ee tartanka ka soo qeybgalay iyo weliba dadweynaha reer Sweden, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Stockholm.

Sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay Universal TV,Hiiraan Online.Warya TV,Somali-youth.org, Alazhar School, Somali Centre for Water and Enviroment (SCWE), Radio Dalmar, Cayaarahasweden.com Radio Sweden,Xogta.com, Yuusuf Yare Designer, Ibraahim Jeeri,C/rashiid Doobka,C/casiis low iyo fannaankii qaliga ahaa Super Khaalid oo isaguna muddadii tartanka uu socday dadka si weyn ugu madadaalinayay halkaasi.

Ugu dambayntii Boss Caato waxa uu ka dhawaajiyay in cayaaraha la ballaarin doono, isla mar ahaantaana sanadaha so socda ay ku talo jiraan ururkooda  inay casuuman kooxo faro badan oo ka kala yimaadaa North Ameerika iyo Europe.

Halkan ka Daawo Filim Ciyaaraha laga duubay


Filim kale daawo


Sidan ayaa loogu kala guulaystay abaalmarinada:

 

Kaalinta 1aad kooxda West london


Kaalinta 2aad Kooxda Stockholm


Koobkii xiddigaha oo ay ku guulaysteen kooxda West London

Ciyaarwanaagga Best Player oo la siiyay ciyaaryahan Xuseen Cismaan Shiis (N0 8) oo ka socday kooxda West London

Asluubta oo la siiyay ciyaaryahan (N0 1) oo ka socday  kooxda  Stockholm

Ciyaaryahankii ugu dhibcaha badnaa Maxamed (N0 10) oo ka socday kooxda West London.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu bixiyay shahadooyin aad u faro badnaa iyo koob lagu sharfayay qoyska isboortiga ee Dr. Shiis iyo Xaawo Taako oo iyagu gacan aad u weyn ka gaystay taabagalka tartankani inuu qabsoomo. 
 
By: C/qaadir Shiikha
[email protected]

iyo Salaad Xiis
[email protected]