World Remit
 
February-04-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2010

 

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo beeniyay inuu isku dhiibay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin  


Arbaco, July 21, 2010 (HOL) − Taliyaha ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya G/sare C/llaahi Cali Caanood ayaa maanta beeniyay inuu isku dhiibay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin isagoo ka jawaabayay hadal kasoo baxay Afhayeenka dhanka howlgallada ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Sarkaalkan ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin sheegashada Xarrakatul Shabaab ee ah in isaga iyo ciidamo kale oo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ay isku dhiibeen Xarrakatul Shabaab, taasoo uu sheegay inuu ka maqlay warbaahinta.

"Waxaan ka maqlay Idaacadaha Muqdisho war uu siidaayay mid ka mid ah xubnaha Al-shabaab oo ah inaan isku dhiibay, hadalkaas waa been aanay waxba ka jirin, mana garanayo sababta ku kalliftay mas'uulkaas inuu sidaas u hadlo" ayuu yiri Col. C/llaahi Cali Caanood.

Afhayeenka Howlagallada ee Xarrakatul Shabaab oo saxaafadda la hadlay xalay ayaa sheegay in askar ka mid ah Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada kana amar qaata C/llaahi Cali Caanood ay iskusoo dhiibeen ciidamadooda, dhawaanna ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan.

Taliyaha ciidamada Ialaalada Madaxtooyada ayaa shir jaraa'id oo uu maanta qabtay ku sheegay inaysan jirin wax iska badalay mowqifkiisa, uuna u arko hadalka kasoo baxay Sheekh C/casiis Abuu-Muscab mid ay ku doonayaan inay ku sheegtaan awood aan jirin.

Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxaa u dhexeeya dagaal gacanta ah iyo mid afka, waxaana hadalkan uu kusoo beegmayaa iyadoo ay dagaallo khasaare badan dhaliyay maalmihii lasoo dhaafay ku dhexmareen waqooyiga Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
 



Qarax khasaare kala duwan geystay oo Magaalada Muqdisho lagula eegtay Askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya
21/07/2010 10:44 AM EST

Arbaco, July 21, 2010 (HOL) − Qarax miino oo sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca askar kale iyo dad shacab ah ayaa maanta ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya lagula beegsaday Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir
Ra'iisul wasaaraha Soomaliya oo maanta ka qaybgalya xaflad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya
21/07/2010 10:44 AM EST

Arbaco, July 21, 2010 (HOL) − Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta uga qaybgalay Magaalada Muqdisho oo xaflad loogu soo xirayay tababar 800-askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Madaxwaynaha Puntland oo la Taliye Cusub Soo Magacaabay Iyo Dilalka Qorshaysan oo Bosaaso ku soo Badanaya
21/07/2010 5:01 AM EST

Arbaco,July 21,2010 (HOL) − Madaxwaynaha Puntland Dr C/rixmaan Maxamuud Faroolle ayaa magaalada Garowe kula kulmay saraakiil horey maamulka uga tirsanaan jiray,kuwaasi oo looga maarmi waayay xaaladaha amaan ee Gobolka ka jira .
Xaaladda degmooyinkii ay dagaalladu ka socdeen maalmihii lasoo dhaafay oo daggan iyo shacabkii ku harsanaa oo qax bilaabay
21/07/2010 5:00 AM EST

Arbaco, July 21, 2010 (HOL) - Waxaa saakay dagaan xaaladda Degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo ay maalmihii ugu dambeeyay ku dagaalamayeen Xarrakatul Shabaab iyo ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM.
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo la qaatay Madaxweyanha Talyaaniga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma
21/07/2010 4:55 AM EST

Arbaco, July 21, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay gallinkii dambe iyo xalay kulammo la kala qaaday Madaxweynaha dalka Talyaaniga Giorgio Napolitano iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.
Kooxo hubeysan oo weerar sababay khasaare ku qaaday ciidamo ka tisran Dalka Kenya oo ku sugan xuduudda labada dal ay wadaagaan
21/07/2010 4:32 AM EST

Arbaco, July 21, 2010 (HOL) - Kooxo la sheegay inay gacansaar la leeyihiin Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar ku qaaday gaari ay leeyihiin ciidanka ilaalada xuduudaha ee dalka Kenya, iyagoo dilay sarkaal ka tisran ciidankaas mid kalena dhaawacay.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo sheegay in Askar ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ay isku-dhiibeen
21/07/2010 4:16 AM EST

Arbaco, July 21, 2010 (HOL) - Afhayeenka dhanka ciidamada ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda Muqdisho la hadlay xalay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ay isku soo dhiibeen.

 
Somali pirates release Norwegian UBT Ocean  -The Foreigner  

21/07/2010 11:12 AM EST  
Although this was confirmed by Andrew Mwangura of the East African Seafarers' Assistance Programme, Svenn O. Pedersen, CEO of Brøvigtank that owns the vessel, is being more cautious with his information.

'We need foreign shopkeepers'  -Daily News  

21/07/2010 11:10 AM EST  
Life is better in the townships with foreign shopkeepers, say locals.

Al Shabaab injure GSU officer in attack  -Standard  

21/07/2010 11:05 AM EST  
A General Service Unit officer was shot and injured at the Kenya-Somalia border in an attack blamed on Al-Shabaab militia.

General outlines U.S. mission, challenges in Africa  -AFPS  

21/07/2010 11:03 AM EST  
WASHINGTON (July 20, 2010) -- As U.S. Africa Command matures and strengthens ties with African nations, American interests on the continent become more stable, the command's top officer said today.

Longtime Mugabe foe dies in exile in South Africa  -AP  

21/07/2010 10:58 AM EST  
JOHANNESBURG — A veterans' group says the last white commander of forces that opposed the guerrilla armies that swept Zimbabwean President Robert Mugabe to power has died.

The Executive Director of the Inter-Governmental Authority on Development - IGAD  -KBC  

21/07/2010 10:55 AM EST  
Eng. Mahboub Maalim said regional countries and member states of the IGAD need to create a unified synergy towards dealing with the Somali crisis that now threatens peace and stability while compromising security and safety in the Horn of Africa countries.

Minister: Somalia now 'international problem' after Uganda bombs  -DPA  

21/07/2010 10:52 AM EST  
Nairobi - Somalia's bloody conflict is now an international problem after the suicide bombings that claimed 76 lives in the Ugandan capital Kampala last week, Somalia's security minister said Wednesday

Hundreds deported from autonomous Somalia region  -AP  

21/07/2010 10:51 AM EST  
MOGADISHU, Somalia — Security forces from Somalia's semiautonomous northern region of Puntland are rounding up hundreds of southerners whom officials say pose security threat.

APNewsBreak: AU troops harming Somali civilians  -AP  

21/07/2010 10:50 AM EST  
NAIROBI, Kenya — Internal African Union reports say AU peacekeepers are indiscriminately shelling residential areas of Somalia's capital.

Somali newcomers get latest Habitat home  -Regina LP  

21/07/2010 5:49 AM EST  
The Jamas family's fresh start in Regina is beginning with a newly built house.

Africa mulls response to Somali threat  -AFP  

21/07/2010 5:34 AM EST  
KAMPALA, Jul 21 - African leaders gathering in Kampala days after Somalia's Shebab carried out deadly suicide attacks in the Ugandan capital are expected this weekend to mull sending more troops to war-torn Mogadishu.

Somalis targeted, police stoned as mob attacks shops  -Weekend Post  

21/07/2010 5:32 AM EST  
A LARGE police contingent was called in to deal with an unruly, stone-throwing mob of about 400 who attacked a Somali-owned shop in Port Elizabeth last night.

War of words growing in Somalia as Al-Shabaab establishes more radio stations  -The Citizen  

21/07/2010 5:23 AM EST  
Top officials of Al-Shabaab, the Somali Islamist movement vehemently opposing the Transitional Federal Government, opened a radio station in the central regions of Somalia on Sunday.

Caught between Uganda and al-Shabaab  -Daily Monitor  

21/07/2010 4:04 AM EST  
Somali nationals in Uganda say they should be accepted as Ugandan citizens, writes Benon Herbert Oluka.

AU military chiefs draw Somalia war plan  -Daily Monitor  

21/07/2010 4:00 AM EST  
A key Somalia strategy meeting is underway in the Ethiopian capital, Addis Ababa, with military chiefs from across Africa expected to hammer out a plan of action to confront the crisis in the war-torn country.

SOMALIA: Deadly skies above Mogadishu  -IRIN  

21/07/2010 3:55 AM EST  
MOGADISHU, 21 July 2010 (IRIN) - As Islamist insurgents battle it out with government troops backed by African Union forces (AMISOM) in Somalia’s capital, civilians face continuous danger from above in the form of the mortar shells used by most parties to the conflict.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com