Isniin, July 12, 2010 (HOL) - Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo sababay dhimasho iyo dhaawac u qaybtay xaafado ka tirsan degmada Dayniile, iyadoo duqeymahaas ay ahaayeen kuwo dhacay xilli aanay dagaallo socon.
Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha la duqeeyay ayaa sheegay in madaafiic badan ay kusoo hoobteen deegaankooda ayna dileen inta la ogyahay hal qof oo rayid ah, sidoo kalena ay dhaawaceen u geysteen 4-qof oo kale.
"Duqeyn ayaa markii ay saacaddu ahayd 2:30-habeenimo ku bilaabatay xaafadaha Gubta iyo Ciise Cabdi oo ka tirsan Degmada Dayniile, dadkii ku noolaa deegaanka waxay bilaabeen inay kala cararaan, madaafiicdu waxay dileen 1-qof, waxayna dhaawaceen afar qof oo kale" ayuu yiri Goobjooge ku sugan goobaha la duqeeyay.
Madaafiicda ayaa badankood ku dhacay deegaano horay looga barkacay, waxayna cabsi weyn gelisay duqeyntu dadka rayidka ah ee ku harsanaa deegaanadaas, kuwaasoo saakay bilaabay inay isaga barakacaan.
Duqeyntan ayaa noqonaysa middii ugu khasaaraha yarayd ee ka dhacda Muqdisho, iyadoo saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowladda aysan weli ka haldin duqeynta, taasoo kusoo beegantay xilli qaraxyo ay ka dhaceen xalay dalka Uganda.
Saraakiisha Dowladda Uganda ayaa ku eedeeyay Qaraxyadii dalkeeda ka dhacay Xararkatul Shabaab, iyadoo sarkaal ka tisran Al-shabaab uu sheegay inay aad ugu farxeen qaraxyadaas, balse ma sheegin inay iyagu ka dambeeyeen iyo in kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada AMISOM oo xalay duqeymo sababay dhimasho iyo dhaawac ka geystay Magaalada Muqdisho
More News
- Ciyaaraha Xagaaga Sweden ee uu sanad walba soo qaban-qaabiyo Ururka SEUKI oo ka bilowday Magaalada Stockholm (DAAWO SAWIRRO)
- Soomaalida ku nool Dalka koofur afrika ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay loo geystay dil, dhac, bara kicin iyo waliba boob hantiyeed.
- Xubno Ka Mid ah Golaha Wasiirada Puntland Oo Kulan Amaanka Looga hadlayo Maanta ku yeeshay Garowe
- Madaafiic sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo maanta lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha iyo Hareerihiisa
- Ururka Midowga Afrika iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay Qaraxyadii xalay ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda
- Qaraxyo ka dhacay magaaladda Kampala oo ay ku dhinteen 67 qofood
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sheekh Axmed oo booqday goobaha ay ciidamada Dowladdu kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho
- Qaraxyo dad badani ku dhinteen oo xalay ka dhacay Magaalada Kamballa ee dalka Uganda
- Xulka Qaranka Spain Oo Xalay Markii Ugu Horaysay Ku Guulaystay Koobka Aduunka