Iska horimaad ka bilowday dhanka galbeed ee Magaalada Baladweyne iyo dadka degmada ku nool oo bilaabay barakac

Talaado, January 12, 2010(HOL): Iskahorimaad u dhexeeya dhinacyadii isku haya gacan ku haynta Magaalad Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saakay ka bilowday xaafadda Buundo-weyn oo ku taalla Galbeedka Baladweyne.

Wariyaheenna Magaalada Baladweyne C/raxmaan Diini ayaa sheegay in sidoo kale ay hoobiyayaal ku dhacayaan dhanka bari ee Magaalada oo ay ku sugan yihiin xoogag taabacsan Ahlusunna, iyadoo dagaalka iyo duqeymuhu ay keeneen inay dadku bilaabaan inay guryahooda isaga barakacaan.

Madaafiicda ayaa qaarkood waxay ku dhaceen xarunta maamulka Gobolka iyo Saldhigga Booliiska oo ay ku sugan yihiin ciidamada Culummaa'uddiinka Ahlusunna, kuwaasoo aan wax khasaare ah geysan.

Xaafadaha ay barakacu ka bilowdeen saaka ayaa waxay kala yihiin: Kooshin, Xaawo-taako, Buundo-weyn, Nuur-Xawaad iyo xaafado kale iyadoo dadku ay u ambabaxayaan daafaha Magaalada.

Dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyo ayaa waxay ku kala sugan yihiin dhinacyada Bariga iyo Galbeedka Baladweyne, iyadoo dhinac walba uu helay gurmad ciidan iyo hub, waxaana magaalada ka taagan kacsanaan iyo xiisado.

Magaalada Baladweyne ayaa xalay ahayd mid daggan, iyadoo wariyaheennu uu soo sheegay inay koox walba doonayso inay la wareegto gacan ku haynta guud ee Magaalada oo haatan kala qaybsan.

Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya