Madaxweyne Sheekh Shariif oo Madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wafdi ka socday Qarammada Midoobay (DAAWO SAWIRRO)


Khamiis 4, Feb, 2010 (HOL) Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kula kulmay maanta Madaxtooyada Soomaaliya Wafdi ka socda Qarammada Midoobay oo uu hoggaaminayay Charles Petrie oo ah ku xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla.

Wafdiga oo ka koobnaa 11-xubnood ayaa waxaa ka mid ahaa wafdi ka socday dalka Norway oo ay hoggaaminaysay Mss. Rena oo ah howlwadeenka Norway uga wakiilka ah arrimaha Somalia.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Amerika ayaa ka mid ahaa xubnaha dhanka dowladda ka socday ee wafdiga hoggaaminayay, waxayna kulan la qaateen Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka DFKMG ah iyo beesha calaamka u dhexeeya, waxaana wafdiga la kulmay Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Wasiirro dhowr ah.

Wasiirka Iskaashiga iyo xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya C/raxamaan C/shakuur Warsame ayaa saxaafadda uga warbixiyay kulankii ay yeesheen wafdiga iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya wuxuuna sheegay in kulanka lagu soo qaaday sidii dowladda Soomaaliya loo siin lahaa lacagihii loogu balanqaaday shirarkii looga hadlay arrimaha Somalia ee caalamka ka dhacay.


Mr. Charles Petrie oo isaguna saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay inay isla garteen sidii wax looga qaban lahaa xaaladda ammaan ee dalka, gargaarka aadamnimo iyo kaalmooyinka la siinayo Isbitaallada ayna isla garteen.

Booqashadan ayuu ku sheegay Mr. Pertrie inay qayb ka tahay booqashooyin dhowr ah oo ay ku yimaadeen Muqdisho ayna kulmo kula qaateen Dowladda Soomaaliya oo uu xusay inay tahay mid caalamku aqoonsan yahay.

"Beesha Caalamku waxay ku kalsoon tahay hal sano kaddib waxqabadka dowladda, waxaana diyaar u nahay inaan xoojino taageerada la siinayo" ayuu yiri Petrie.


Mss. Rena ayaa iyaduna sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay Muqdisho soo booqato ayna kula kulanto Madaxweyne Sheekh Shariif, waxayna xustay inay tahay markii ugu horeysay oo ay Muqdisho soo booqato.

Dowladda Norway ayay sheegtay inay diyaar u tahay inay taageero hagar la’aan ah siiso dowladda Soomaaliya oo ay sheegtay inay tahay mid ku hanweyn ay soo dib u soo celiso kala dambeyntii iyo amaankii dalka.

Waa markii labaad oo wafdi ka socda Qarammada Midoobay ay booqasho ku tagaaan Muqdsiho muddo saddex todobaad gudahood ah, iyadoo wafdigii hore uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ee Xoghayaha guud uga wakiilka ah Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya