Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2010


Munaasibad lagu xusayay maalinta Dhalashada Rasuulka (CSW) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa (DAAWO SAWIRRADA)


Khamiis, 25 February 2010 (HOL): Xuska maalinta Dhalashada Rasuulka (CSW) oo ku beegan berry oo Jimce ah, kana qayb galeen masuuliyiin sarsare oo ka socda Qolayaasha Dawladda Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay, laguna qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka kala socday Axsaabta Siyaasadda iyo Xukuumadda, kana mid ahaayeen, Guddoomiye-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Afhayeenka Xisbigaas Xasan Xusseen Codyare, Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Wasiirada, Dhalinyarta iyo Ciyaaraha Muxumed Siciid Maxamed, Duulista Hawada Cali Maxamed Waran-cadde iyo Dib-u-dejinta Maxamed Cismaan Yuusuf. Waxa kale oo munaasibaddaa ka qayb galay Shirguddoonnada labada Aqal Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada.

Ugu horrayn waxa munaasibaddaas ka hadlay Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Faarax oo ka socday Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta, oo ku dheeraaday muhiimadda Xuska iyo waynaynta maalinta Dhalashada Rasuulka (CSW), waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan Muslimiinta Dunida. “Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa guud ahaan Umadda Islaamka xuska dhalashada Rasuulka (CSW) awgeed.. Inkasta oo madaxdii dalka iyo culimadii aqoonta badan lahaa ay meesha fadhiyaan, waxaanu leenahay Shacabka Somalialnd waa in aydaan raacin dhalanteed oo aydaan diinta ka baydhin. Anigoo ka Wakiil ahWasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, waxaan jeclahay in aan la socodsiiyo dadka uu wali mugdigu kaga jiro dhalashadii Rasuulka (CSW) ee aanu maq-maqlayno inay meelahaa ka leeyihiin in aanay dhalashada Rasuulku qiimo la lahayn iyaga in Dhalashada Rasuulku ay qiime wayn ugu fadhido guud ahaan Caalamka Islaamka oo dhan.” Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Faarax.

Waxa sidoo kale halkaa Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo ku dheeraaday fadliga Umadda Nebi Muxamed (CSW) iyo waxay kaga duwan tahay Umadaha kale. “Xuska dhalashada Rasuulku (CSW) wax yar iyo sunne fudud ha moodina ee wuxuu xambaarsan yahay saddex waajib; xubbiga ama Jacaylka Nebiga, waayo waa faral in Rasuulka (CSW) la jeclaadaa, Salliga iyo in lagu salliyo Rasuulka (CSW) iyo waajibka saddexaad oo ah in dadka la baro jacaylka Nebiga (CSW) oo Caruurta iyo dadkaba la baro. Maalinta xuska dhalashada Rasuulku (CSW) soo gasho saddexdaas waajib ayuu xambaarsan yahay.” Ayuu yidhi Sheekhu. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa Gurigeena wada yaala oo meel kasta sudhan Taariikhda Dhalashada Nebi Ciise (CS), maxaa hor taagan in aynu caruurteena barno oo aynu meel walba sudhano taariikhda Rasuulkeena (CSW), inkasta oo aynaan necbayn Ambiyadii midkoodna oo waa in aynu mid walba taariikhdiisii haynaa, haddana in la wayneeyo oo la qaddariyo dhalashada iyo taariikhda Nebi Muxammed (CSW) ayaa loo baahan yahay. Diinta inay cid kastaa ka jawaabto maaha ee waa in Diinta laga baqo, waa in ay ka hadashaa cidda u ehelka ahi.”

Sheekh Khaliif wuxuu baaq u jeediyay dadka ku nool Hargeysa. “Waar Reer Hargeysoow afar kelmadood iska daaya; waxaasi waa Kufaar, way badatay kelmaddaasi ee iska daaya. Waxaasi waa xaaraam. Waa khuraafaad, iyana iska daaya. Waxa kale oo aad iska daysaan kelmadda waxba-kama-jiraan. Waar afartaa kelmadood iska daaya caaqiidada ayay wax yeelaysaa oo dad bay wax u dhimaysaa yaqiintooda’e.” ayuu yidhi Sheekh Khaliif.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Xil. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland. “Qofka wax wanaagsan bilaaba Rasuulka (CSW) ayaa sheegay in uu ajarkeeda leeyahay ilaa inta la wado..Dhalashada Rasuulkana (CSW), isaga laf ahaantiisa ayaa xusay oo wuxuu ku xusay Soon..Malakul-Jibriil ayaa Nebiga (CSW) u bushaareeyay oo ugu bushaareeyay in aan Ilaahay magaciisa la xusayn, ilaa uu la socdo Magaca Rasuulku.” Ayaa ka mid ahaa hadalladii uu Xildhibaanku halkaa ka jeediyay, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Rasuulka (CSW) ayaa maalin Ciid ah soo maray Haween Daf tumaya oo Rasuulka ammaanaya, markaas ayuu isna yidhi, wallaahi aniguba waan idin jeclahay..Waxase isweydiin leh haddii Xuska dhalashada Rasuulku (CSW) dembi tahay, Rasuulku tartanka Quraanka Kariimka ah lagu tartamo xifdigiisa ma qaban oo kamay sugnaan, ee maxaa loo qabtaa? Waxa wanaagsan in aan umadda lagu wareerin wax aan jirin.”

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda mad-habaha Diinta Islaamka, waxaanu ku dheeraaday halka ay salka ku kala hayaan. Badhasaabku wuxuu Culimada Somaliland ugu baaqay in wixii lagu kala qaybsamo ee la xidhiidha Diinta si caqli ku jiro looga doodo, isla markaana la wadaago doodo caafimaad qaba.

Gebogebadii, munaasibaddan oo ay dhextaal u ahaayeen Qasiidooyin iyo Nebi-Ammaan ay qaadayeen dhalinyaro ku lebbisan Callanka Somaliland, ayaa waxa kale oo ka hadlay culimo kale oo tiro badan oo uu ka mid ahaa Sheekh Cabdilaahi Mataan, kuwaas oo dhammaantood ka waramay muhiimadda xuska dhalashada Rasuulka (CSW).







Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland.

 

Xarunta Gobolka Banaadir oo maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho

2/25/2010 8:36 AM EST
Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaas markuu dhamaaday saxaafadda la hadlay Afhayeenka Gobolka Maxamed C/llaahi Cariig.

Ururka Ahlusunna oo sheegay inay sii wadayaan dagaallada ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ay dagaalka kula jiraan

2/25/2010 8:35 AM EST
Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo dagaal kula jira Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta sheegay inay sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan kooxahan.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha SHARMOC oo dal badalay in shuruud la'aan lagu sii daayo wariyaha lagu haystso Soomaaliya

2/25/2010 8:34 AM EST
Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxa uu Cambaareynayaa xariga iyo Afduubka Al-Shabaab kula keceen weriyaha Idaacadda Somaliweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose Md. Ali Yuusuf Aden oo taariikhdu markii ay ahayd 21/02/2009 ay ka qabteen degaanka Wanlaweyn.

Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Calaamiga Soomaaliya oo sheegay in lacagta cusub ee loo sameynayo Soomaaliya aanu xilligeeda dhaweyn

2/25/2010 4:04 AM EST
Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in lacagta loo sameynayo dowladda Soomaaliya xilligeedu uusan dhaweyn.

MADOOBE NUUNOW MAXAMED: "Dastuurka loo sameynayo dalka waxaa asal u noqon doona fikiradaha shacabka, waxaana la waafajin doonaa diinta Islaamka"

2/25/2010 4:01 AM EST
Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya ay asal u noqon doonaan fikiradaha shacabka oo la ururiyay.

Midowga Yurub oo isku raacay in burcad badeedda Soomaaliya lagula dagaallamo xeebaha oo ay sheegeen inay yihiin saldhigyadooda

2/25/2010 4:01 AM EST
Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Midowga Yurub oo shir ku yeeshay Magaalad Mallorca ee dalka Faransiiska ayaa isku raacay in la xoojiyo howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda Soomaaliya.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimad Beelaha Hawiye oo sheegay inay ku guuldareysteen sii daynta Lamaanaha u dhashay dalka Ingiriiska

2/25/2010 3:59 AM EST
Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ka dhawaajiyay in kooxaha gacanta ku haya labada qof ee u dhashay dalka Ingiriiska ay diideen waanwaan ay doonayeen inay kaga sii daayaan lamaanahaas.

Xildhibaan ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay ku guuldareysatay inay fuliso hadafyadii loo dhisay

2/25/2010 3:56 AM EST
Khamiis 25, Feb 2010 (HOL) Xildhibaan Maxamed Sheekh Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay xukuumaddu inay ku guuldareysatay inay fuliso hadafyadii loo dhisay oo ay ka mid tahay dhaqangelinta dastuurka Federaalka ah.

Maamulka Puntland oo la sheegay in la Taageerayo Kor u qaadista Tayada Waxbarashada

2/25/2010 3:54 AM EST
Khamiis 25, Feb 2010 (HOL)Madaxda Wasaarada Waxbarashada ee Puntland iyo hayado Waxbarashada Qaabilsan oo shalay Galinkii danbe kulan ku qaatay magaalada Garowe ayaa ka wada hadlay Halka ay marayaan hawlaha waxbarasho ee Puntland.




Puntland Guards Beat Journalist inside Courtroom -NUSOJ

2/25/2010 2:23 PM EST
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is angered by the beating, by the court guards, of a local journalist inside the high court in Bosaso town, the commercial hub of the semi-autonomous regions of Puntland.

Somali journalists face death threats, kidnappings -AP

2/25/2010 1:00 PM EST
NAIROBI, Kenya -- Islamist insurgents blindfolded journalist Ibrahim Mohamed Hussein, tied his hands behind his back and ordered him to face Mecca. Then a man put a knife to his throat.

Minister visits East End Somali centre helping migrants integrate -EastLondon

2/25/2010 12:52 PM EST
SOMALI community leaders met the Government's Charities Minister Angela Smith at their new centre in London's East End this-afternoon.

Somali pirates seize Indian-manned ship: watchdog -AFP

2/25/2010 8:33 AM EST
NAIROBI (AFP) - Somali pirates have hijacked a small cargo ship with a crew of nine Indians, an NGO monitoring maritime activity in the region said Thursday.

Somalia can handle more funds directly: AU -Reuters

2/25/2010 8:22 AM EST
NAIROBI (Reuters) - Somalia has made progress restoring state institutions and accountability and its administration can now handle more funds directly, the African Union's deputy head of mission to Somalia said.

K'naan's song goes global -GlobeandMail

2/25/2010 12:14 AM EST
It was a warm, wet night in Manhattan in 2006, and K’naan was taking a walk alone, trying to shake off some disturbing news. It might have been something immediate, or perhaps something that had happened in Somalia,

Alta. homicides worry Somali-Canadians -CBC

2/25/2010 12:01 AM EST
Members of Toronto's Somali community are concerned after two Somali-Canadian men were murdered in northern Alberta last week.

The Somali community needs to learn to deal with the reality of Mental illness -BSMG

2/24/2010 11:30 PM EST
Mental health is a very real and difficult issue which many in society face. Mental health concerns how those with mental illness think, feel and consequently behave. According to the National Health Service (NHS) of Great Britain one in four people in the UK have a mental health problem at some point in their lives that affects their daily life, relationships or physical health.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter