Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2010


WASIIR DAWLAHA ARIMAHA GUDHAHA EE DAWLADA SOMALIYA MUDANE ABDIRASHID MOHAMED XIDIGOO BOQASHO KU YIMID MAGAALADDA COLUMBUS EE GOBOLKA OHIO.

 

Arboco, Feb.6,2010 Columbus, Ohio (HOL):  Xaflad soo dhaweeyn ah oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda Ohio State University iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ee Columbus ayaa si wada jir ah ugu soo dhaweeyay magaaladda Columbus wasiir dawlaha arimaha gudaha ee dawladda Somalia mudane Abdirashid Mohamed Xidig. Xafladaas ayaa ugu horeyntii warbixin qiimo leh ka jeediyay gudoomiyaha ardayda Somaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Ohio State Abdullahi Abdisalan Yusuf, isga oo faaf faahin dheer ka bixiyay tirada ardayda Somaliyeed, qaabka ay wax uga bartaan Jaamacadda iyo maadooyinka ay ka bartaanba. Kadib waxaa soo dhaweeyay Mudane Abdirashid Mohamed Xidig , Abukar Dahir Osman (Abdukar Baale) ahna wakiilka qurba joogta Somalida (Diaspora) ee Mareykanka.

 

 

Ugu horeyntii Wasiirku waxa uu u mahadceliyay jaaliyadda Somaliyeed ee magaaladda Columbus, gaar ahaan ardayda wax ka barata Jamacadda Ohio State. Waxa uu aad u amaanay gobolka Ohio iyo sida ay mar walba usoo dhaweeyaan wafdiyada ka socda dawladda ku meel gaar ah ee Somaliya. Waxa uu wasiirku aad uga hadlay arimaha Somaliya iyo dhibaatooyinka shacabka iyo dawladaba haysta. Waxa uu yiri Somalia waxa ay leedahay kheyraad badan, cimilo wanaagsan, dhul qurxan oo aan garan weynay in aan ka faaideysano. Waxaa jira ayuu yiri kuwo aan garan dawladnimada waxa ay tahay oo mar walba khilaaf la taagan. Waxaad dhamaantiin ogtihiin in uu Sheikh Sharif ahaa

hogaankii maxaakiimta, maantana uu yahay madaxweynaha Dawlada ku meel gaarka ah, ayuu yiri wasiirka, taas waxa ay ka turjumeysaa in dawlanimadda ay daacad naga tahay. Laakiin, waxa jira ayuu yiri wasiirka dawlado shisheeye ee aan marnaba dooneynin in ay Somaliya dawlanimadeedii iyo aqoonsigii caalamka ku soo noqoto, taasna aad ayaa uga dheregsanahay.

 

 

Abdirashid Xidig Wasiir dawlaha arimaha gudaha mar uu ka hadlayay arimaha amniga ee dalka, waxa uu yiri waxa jira kuwo naga mid ah oo la qalday, oo u shaqeeya shisheeye dambiilayaal ka ah dalalkoodii, waxaan ku tallo jirna ayuu yiri wasirku in aan dhisno ciidamo aan uga hortageyno kuwa aanan damiirka laheeyn ee dalkooda u duleeyay shisheeye. Waxaa kale oo uu wasiirka ka hadlay burcad badeedka (pirates) oo uu yiri waan ka soo horjeednaa burcad badeedka iyo falalka afduubka maraakiibta. Laakiin ma idinla tahay ayuu yiri wasiirka in wiil Somaaliyeed oo gaajeysan oo aan wax awooda laheeyn in uu soo qafaasho markab weeyn, taas waa maya ayuu yiri wasiirka hadii aysan xogag shisheeye ka danbeynin. Waxa ay qarinayaan in ay kheyraadka badda Somaliyeed ay gurtaan isla markaana ay sun ku daadshaan. Wasiirku waxa uu ka hadlay in ay Somalia dawlad Islam ah ay tahay, Islamkuna uu yahay diin nabadeed, waxa diintii loo bedelay in ay magacyo badan u bixiyaan, oo isla markaana dadkii dhibaateysnaa lagu dhibaateeyo. Waa in laga hortagaa kuwa marin habaabinaya caruurtiina oo maanka ka doorinaya, oo waxaan diinta ku saleysneeyn u akhrinaya sida isbiimeynta ama isqarxiska

 

Calankii buluuga ahaa waxaa lagu bedelay mid madoow, waa in aad gacan siisaan sidu ugu hogaamin lahaa dariiqa xaqa ah, ayuu yiri wasiir Abdirashid Xidig.

Wasiirku waxa uu kula dardaarmay jaaliyaddaha Somaliyeed meel kastaba ay joogaan in ay fariintan gaarsiiyaan qof kastaba oo Somali ah, gaar ahaan dhaliyarada, si ay u noqdaan kuwii isku xiri lahaa Somalia iyo wadamada ay joogaan.   Dhalasho kasta oo aad haysatid Somaliya waa dalkaagii ayuu yiri wasiirku.  Ugu danbeyntii waxa uu ka codsaday jaaliyadda Somaliyeed ee ka soo qeyb gashay xafladda in lala shaqeeyo madaxweyne Sheikh Shariif, Raisul Wasaaraha Omar Abdirashid. Mucaaradnimo waxba kuma hagaagayaan, ayuu yiri wasiirku.

 

HIIRAAN ONLINE

COLUMBUS, OHIO

 

Duqeyn loo geystya Degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Dad rayid ah

2/10/2010 11:13 AM EST
Arbaco, 10 Feb, 2010 (HOL) Ku dhawaad 10-qof ayaa ku dhintay madaafiic ku dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood iyo suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 37-qof.

Xawaaladda Amal Express xarunteeda Kismaayo oo dib loo furay kaddib hal maalin oo ay xirnayd

2/10/2010 11:13 AM EST
Arbaco, 10 Feb, 2010 (HOL) Waxaa maanta caadi ku soo noqday howlihii shaqo ee xawaalada amal express xarunteeda kismao kadib markii maalinimadii shalay ahayd uu maamulka ka arimiya magaalada amar ku siiyay masuuliyiinta shirkada amal express in ay xiraan shirkadaasi ilaa iyo amar dambe.

SHIIKH C/LLAAHI CALI BARKHADLLE :- Kama warqabo xilka leygu magacaabay ee ah Wakiilka Ahlu Sunna Waljameeca ee Goballka Hiiraan, mana doonayo in aan ku biiro Siyaasadda.

2/10/2010 11:12 AM EST
Arbaco, Feb, 10, 2010 (HOL) Shiikh C/llaahi Cali Barkhadlle oo ka mid ah Culimada waa weyn ee Dariiqada Suufiyada ayaa waxba kama jiraa ku tilmaamay Wareysi BBC-du la yeelatay mid ka mid ah mas'uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca oo sheegay in Shiikh C/llaahi Cali Barkhadlle yahay Wakiilka Ahlu Sunna ee Goballka Hiiraan.

Dagaal dhexmaray ciidamo booliis iyo Mileteri ah oo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay

2/10/2010 7:44 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Dagaal u dhexeeyay ciidamada kawada tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Iskool Bolisiyo ayaa sababay inay dhintaan ugu yaraan 3-askari, ayna ku dhaawacmeen saddex kale.

Waxgaradka Gobolka Sh/Hoose oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday inaysan gobolkaas u magacaabin cid aysan raalli ka ahayn

2/10/2010 7:44 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Waxgarad iyo Odayaal kasoo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inaysan gobolkaas u magacaabin cid aysan raalli ka ahayn.

Xarrakada Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda Qarax maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya

2/10/2010 7:43 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Qarax maanta ka dhacay degmada Xamarjajab ee Muqdisho oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Guddida Doorashada Somaliland oo ka hadlay hawlaha diyaar-garowga Doorashada dhawrka mar ee hore baaqatay

2/10/2010 6:46 AM EST
Arbaco, 10 February 2010 (HOL)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka hadlay arrimaha Doorashooyinka Somaliland iyo tallaabada ay ka qaadeen agabka kala-shaandhaynta Liiska cod-bixiyayaasha ee hore uu uga dhashay khilaafkii siyaasadeed ee Somaliland waajahday sanadkii tegay ee 2009.

AFHAYEENKA ALSHABAAB EE JUBBOOYINKA :“Qorigii kasoo dhaca dhanka kenya wuxuu furi doonaa dagaal u dhexeeya mujaahidiinta iyo Kenya"

2/10/2010 6:42 AM EST
Arbaco, February 10, 2010(HOL): Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay madaxa warfaafinta maamulka Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka Sheekh Xasan Yacuuq Cali ayaa waxa uu kaga hadlay dhaqdhaqaaqyada iyo xiisadaha colaadeed ee muddooyinkii ugu danbeeyay ka jiray xadka soomaaliya ay kala wadaagto Kenya gobolka j/hoose.

Dowladda dalka Yemen oo xabsiga u taxaabtay 253 tahriibayaal ah labadii maalmood ee lasoo dhaafay

2/10/2010 3:08 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Yemen ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay 253-qof oo tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasoo laga qabqabtay gobollo kala duwan.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afirca oo sheegay in ay taageero hoose siinayaan Dowladda Soomaaliya

2/10/2010 3:08 AM EST
Arbaco, Feb, 10, 2010 (HOL) Taliyaha Ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaarada Africa Ninka lagu magacaabo Wilyam Weel oo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Midowgga Afirca ayaa sheegay in ay gacan hoose ka siinayaan Dowladda Soomaaliya dib u hanashada Amaanka guud ahaan dalka Soomaliya.

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo sheegay inay u diyaargaroobeen dagaallo ay la galaan Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Ciidamada AMISOM

2/10/2010 2:39 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Afhayeenka Maamulka Jubbooyinka ahna Madaxa wafaafinta Sheekh Xasan Yacquub Cali oo wareysiyo isku mid ah siiyay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inay u diyaargaroobeen ka urur ahaan dagaal ay la galaan Dowladda Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo Xukuumadda Kenya.

Wasiirka Jaaliyadaha Soomaaliya oo sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay kala hadleen dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaaliyeed

2/10/2010 2:37 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Wasiirka Wasaaradda Jaaliyadaha Soomaaliya C/llaahi Axmed C/lle (Azhari) oo dhawaan safar ku tagay dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay dowladda dalkaas kala hadleen dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaalida ah.

Taliska Booliska Gobolka Mudug oo soo bandhigay qaar ka mid ah walxaha qarxa oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Gobolka

2/10/2010 2:36 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Ciidamada amaanka magaalada Galkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah walxaha qaraxa oo la dhigay Meel ku dhow saldhiga ciidanka Boliska ee gobolka Mudug.

Ciidamo ka tirsan Xarrakatul Shabaab oo xalay gaaray Magaalada Muqdisho iyo diyaargarow dagaal oo la dareemayo

2/10/2010 2:30 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Ciidamo ka tirsan kuwa Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay ka tageen gobollada Koonfureed.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magaca Sarkaal Ajnabi ah oo ay sheegtay in ay ku dishay magaalada Muqdisho.

2/10/2010 2:29 AM EST
Arbaco, Feb, 10, 2010 (HOL) Dowladda Soomaaliya oo dhawaan sheegtay in ay magaalada Muqdisho ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxaha ka soo horjeeda gaar ahaan Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markii ugu horeysay shaacisay magaca Shaqsiga la dilay iyo darjadiisa.

Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Somaliland oo eedayn u jeediyay Wasiir Xukuumadda ka tirsan

2/10/2010 2:27 AM EST
Arbaco, 10 February 2010 (HOL)- Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa eedayn u jeediyay Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ay sheegeen in uu ka baxay ballamo uu hore u qaaday oo ahaa in uu Guddidan hor yimaaddo.




Somali immigrant will challenge Kline for GOP nomination -Politics in Minnesota

2/10/2010 4:39 PM EST
U.S. Rep. John Kline has drawn a challenger for the Republican nomination. The Faribault Daily News reports that Mahamoud Wardere intends to run against the four-term incumbent in the 2nd Congressional District.

Baird heads to Ethiopia to lobby for Canadian man's release -Ottawa Citizen

2/10/2010 4:10 PM EST
OTTAWA — Federal Transport Minister John Baird is making a lightning trip to Ethiopia Wednesday to personally make the case for the release of Canadian businessman Bashir Makhtal.

.S. Raises Funds for Banadir University Recovery -USEmbassy

2/10/2010 11:00 AM EST
The Somalia Unit at the United States embassy in Nairobi hosted a fundraiser for Banadir University on the evening of February 9.

Somalia's Shebab warn Kenya over planned onslaught -AFP

2/10/2010 10:43 AM EST
NAIROBI (AFP) - Somalia's Al Qaeda-inspired Shebab warned Kenya on Wednesday against providing military assistance to the Mogadishu government for a planned massive nationwide offensive against the militia.

Somali clashes kill 24, thousands flee capital -Reuters

2/10/2010 10:40 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Violence in Mogadishu killed at least 24 people on Wednesday, and thousands of Somalis fled the capital fearing a government offensive against rebels.

Rebels 'pour into Somali capital' -BBC

2/10/2010 7:52 AM EST
Hundreds of Somali insurgents loyal to Islamist group al-Shabab have poured into Mogadishu, witnesses say, amid expectations of a major battle.

Residents flee Mogadishu -AFP

2/10/2010 6:53 AM EST
Mogadishu - Hundreds of Mogadishu residents were fleeing the war-ravaged city Wednesday, ahead of a large offensive Somalia's government has promised against the insurgents to wrest back control of the country.

Some 17 000 migrants flee to SA annually -African News

2/10/2010 6:51 AM EST
At least 17 000 illegal migrants from the Horn of Africa flee to South Africa every year, most of them transiting through Kenya, a senior UN official said.

AFRICOM Chief Offers Support to AU Security Goals -VOA

2/10/2010 3:15 AM EST
The United States military command for Africa, known as AFRICOM, is offering enhanced support for African Union peace and security initiatives. The commander, General William Ward, hailed Ethiopia's decision to supply badly-needed helicopters to the joint AU/United Nations peacekeeping mission in Darfur.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter