4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 25, 2010
Sarkaal ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo uga digay ciidammadooda inay shacabka garaacaan

Sabti, 25 December, 2010 (HOL) − Madaxa dacwada ee Xarrakada Al-Shabaab Sheekh Fu'aad Maxamed Qalaf ayaa uga digay ciidammadooda inay shacabka dhib u geystaan, isagoo ugu baaqay maamulka degmada Afgooye iyo ciidammada inay u naxariistaan shacabka.

Sheekh Fu'aad, ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu shalay oo Jimco ahayd ka jeediyay barxad weyn oo ku taalla degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay Xarrakatul Shabaab la wareegtay markii ay isku biireen iyaga iyo ururkii Xisbul Islaam.

"Askariga qoriga wata, waxaa saaran waajib ah inuu shacabka ilaaliyo, balse uma sito inuu shacabka dhibaato ugu geysto," ayuu yiri Sheekh Fu'aad oo intaas dabo-dhigay: "Askarigii si macnodarro ah qof ul ugu dhufta, waa lagula xisaabtamayaa."

Madaxa Dacwada ee Xarrakatul Shabaab, wuxuu shacabka degmada Afgooye ugu baaqay inay shacabku la shaqeeyaan maamulka, ayna ka hortagaan wax walba oo dhibaato abuuri kara, isagoo sheegay inay isku biireen Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Boqolaal qof oo ku sugnaa, halka uu hadalka ka jeedinayay Sheekh Fu'aad, ayaa hadalkiisa aad ugu riyaaqay, iyagoo ku tilmaamay hadal wanaagsan, waxaana inta badan Sheekhu ka digayay in dadka dhibaatooyin loo geysto.

Ciidammo cusub, ayaa lagu arkayay maalimihii lasoo dhaafay deegaannadii ay horay ugu sugnaayeen ururkii Xisbul Islaam, iyadoo ciidammadii halkaas horay u joogay dib loogu celiyay tababar, sida ay ciidammadaas qaarkood saxaafadda u sheegeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya