Khamiis, 23 December, 2010 (HOL) − Dowladda Soomaaaliya, ayaa shaacisay markii ugu horreysay inay heshiis la gashay shirkad bixisa tababarrada ciidammada, laguna magacaabo Saracen International, sida uu wasiirka maaliyadda iyo lacagta DKMG ah Xuseen Cabdi Xalane ku sheegay wareysi uu maanta oo Khamiis ah siiyay VOA-da.
Heshiiskan oo ka kooban 12-bog, ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo shirkadda uu u saxiixay madaxa howlgelinta Lafras Luitingh, waxaana heshiiska ku cad howsha shirkaddu ay qabanayso iyo waajibkeeda, iyadoo qoraalka heshiiska lagu sheegin xilliga ay howshu bilaabanayso.
"Shirkaddan, xarunteedu waa Lubnaan, waxayna tababarro siinaysaa ciidammada dowladda, sida booliiska iyo ciidammada nabadsugidda," ayuu Xalane ku sheegay wareysigiisa, isagoo sheegay in xubnihii ugu horreeyay ee shirkadda ay soo gaareen Muqdsiho.
Qodobbada, heshiiska ayaa waxaa ka mid ah: in shirkaddu ay soo dirto saraakiil tababarro siiya ciidammada dowladda Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inay yihiin kuwo quseeya la dagaalanka argagaxisada.
Ciidammada ay shirkaddu tababarayso, ayaa waxyaabaha la bari doonaan waxaa ka mid ah ka hortagga walxaha qarxa, ilaalinta goobaha dowladda, sida kaamirooyinka qarsoon loogu shaqeeyo, ku shaqeynta qalabka lagula socdo hubka iyo aaladaha birta ka sameysan iyo sida faraha looga qaado dadka laga shakisan yahay.
Heshiiska ay kala saxiixdeen shirkadda Saracan International iyo DKMG, ayaa waxay ka mid ah inay tababarro gaar ah siiso ilaalada gaarka ah ee madaxda, dhaqaatiirta caafimaadka marka ay xaalado deg-deg ah yimaadaan, iyo ka hortagga wax walba oo lagu carqaladeyn karo ammaanka, sida in la dhegeysto xogaha qarsoon.
Sidoo kale, heshiiska ayaa lagu qeexay waajibka saaran dowladda Somaaliya, kaas oo ah inay u siiso shaqaalaha shirkadda fiisooyin ay dalka uga bixi karaan, kuna soo geli karaan, inay u ogolaato inay ilaaladooda gaarka ah hub qaadan karaan, iyo inaan canshuur la saarin qalbka ay shirkaddu la imaanayso, iyadoo aan la sheegin inuu hub ka mid noqon karo iyo in kale.
Waxaa sidoo kale ka mid ah qodobbada heshiiska, in shaqaalaha shirkadda loo ogolaado inay dhaqdhaqaaq xor ah ku sameyn karaan gudaha dalka, ayna ku mari karaan gobollada iyo dalka xuduudihiisa diyaarado si ay tababarro ugu siiyaan ciidanka la doonayo inay xuduudaha ilaaliyaan.
Heshiiskan oo socon doona muddo 10-sano ah, ayaa lagu qeexin dhaqaalaha ku bixi doona inta uu le'eg yahay iyo cidda bixinaysa, balse waxaa lagu sheegay in dalka Imaaraadka Carabta uu heshiiska si saddexaad ugu lug leeyahay.
Isla shirkaddan, ayaa heshiis lagu tababarayo ciidammada booliiska iyo kuwa badda la gashay maamul goboleedka Puntland, oo ka mid ah maamulka federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda iyo lacagta Soomaaliya, oo ka warbixiyay heshiiska ayaa xusay in sababaha ay shirkaddan heshiiska ula galeen ay tahay in awoodda ciidanka DKMG ah sare loo qaado, wuxuuna meesha ka saaray inay hub la imaanayso dalka.
"Shirkaddu ma ahan mid ciidan, ee waa mid shibil, waxay tababaraysaa ciidammada, heshiiskana kuma jirto inay hub dalka soo geliso, waayo Soomaaliya waxaa saaran cunno-qabteyn dhinaca hubka ah oo ay kusoo rogtay Qarammada Midoobay.
Mr. Xalane, wuxuu sidoo kale iska fogeeyay inay la socdaan in xubnaha shirkaddan ay ka mid yihiin, kuwo lasoo shaqeeyay shirkado calooshood u shaqeystayaal ah oo kasoo howlgalay dalalka Botoswana iyo Angola, isagoo xusay inay baaritaanno ku sameyn doonaan arrintaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya