3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2010
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dib u dhigtay qorshe dagaal oo ay ku qaadi lahayd xoogagga kasoo horjeeda ee ku sugan Muqdisho

Isniin, April 05, 2010 (HOL) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu dib u dhac ku yimid dagaal ay doonayso inay ku qaaddo kooxaha kasoo horjeeda ee ku sugan Muqdisho iyo Gobollada dalka qaarkood.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Al-sharqal-Awsat oo diiday in magacyadooda la xuso ayaa sheegay in dhaqaale la'aan lasoo daristay Dowladda iyo ciidamada oo aan habeysnayn ay sabab u tahay in dib loo dhigay dagaalladaas.

"Waxaan weli la hayn dhaqaalihii loogu talogalay in dagaalka lagu galo, sidoo kale ciidamada ayaan habeysnayn, taas ayaana keentay inuu dib u dhac ku yimaado dagaalkii ay Dowladdu qaadi lahayd" ayay yiraahdeen saraakiisha u hadlay Dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay horay u sheegtay in la wareegayso inta badan goobaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Dowladda ka horjeeda, kuwaasoo ay ka mid tahay Muqdisho, si ay ammanka u soo celiso.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inteeda badan gacanta ku haya xoogagga Dowladad Soomaaliya ka horjeeda, iyadoo Dowladduna ay gacanta ku hayso in yar oo ka mid ah caasimadda.

Saraakiishan u hadlay Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaan laga tanaasulin dagaalka ay dowladdu ku qaadayso xoogagga kasoo horjeeda, balse la qaadi doono, inkastoo ay ka gaabsadeen inay sheegayaan xilliga la qaadayo..

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya 













Click here
4/5/2010 10:08 AM EST
Isniin, April 05, 2010 (HOL) Bannaanbax lagu taageerayay ninka u sharraxan inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir. Mas'uulkan xilka u sharraxan ayaa waxaa lagu magacaabaa Macallin Maxamed Cali Maxamed isagoo kula hadlay xarunta Gobolka boqolaalka qof ee taageerayay in laga dhigo Guddoomiaha cusub ee degmada Xamarjajab.

4/5/2010 10:06 AM EST
Isniin, April 05, 2010 (HOL) In ka badan 75-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen Hotel Wehliye ee Magaalada Muqdisho waxay ku sheegeen inay kulanka ugu horreeya ee uu yeelanayo baarlamaanka ay ku dooran doonaan Guddoomiye Cusub.

4/5/2010 10:05 AM EST
Isniin, April 05, 2010 (HOL) Sirdoonka dalka Yemen ayaa sheegay in xubno sarsare oo ka tirsan Al-Qaacida Bariga dhexe ay aadeen dalka Soomaaliya si ay halkaas uga sameystaan saldhigyo ay kusii shaqeeyaan, kaddib cadaadis kasoo fuulay dalalka Bariga dhexe.

4/5/2010 6:23 AM EST
Isniin, April 05, 2010 (HOL) - Wadadan dheer ee isku xirta magaaladani Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose iyo deegaanka dhoobley ee ku yaal xadka kala qeybiya kenya iyo soomaaliya ayaa waxaa gooyay Roobab xooggan oo dhawaanahanba ka da,ayay qaar katirsan gobollada jubooyinka.

4/5/2010 4:50 AM EST
Isniin , April 05, 2010 (HOL) - Wasiirka amniga DGPL Yusuf axmed Khayr oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Bosaaso ayaa sheegay in Maamulku uu qaadayo Talaabooyin Muhiim ah oo ku aadan Xoojinta amaanka gobolka.

4/5/2010 4:45 AM EST
Isniin, April 05, 2010 (HOL) Afhayeen u hadlay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qabqabteen askar fara badan oo ka tirsan ciidamada Dowladda, kuwaasoo ku howlanaa dhac ay u geysanayaan dadka shacabka ah.

4/5/2010 3:42 AM EST
Isniin, 5, April, 2010 (HOL) Wararka ka soo baxaya deegaanno hoostaga dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya qiyaastiina 65-km dhinaca Galbeed kaga beegan degmada Balanballe oo ka tirsan Goballka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay uu dagaal ku dhaxmarayo labo Beelood oo halkaa wada degga.

4/5/2010 3:40 AM EST
Isniin, 5, April, 2010 (HOL) Iyada oo Burcad badeeda Soomaalida ee ka qaraabada Xeebaha Soomaaliya sii laba jibaarayaan Af-duubka Maraakiibta iyo Dooyaha maraya Xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka durugdan intaba, ayaa wararkii ugu danbeeyay ee soo la hellayo waxaa ay sheegayaan in Burcad badeed Soomaaliy ah khafaasheen Markab kuwa Shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka South Korea.