Talaado, April 27, 2010 (HOL) Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo gacant ku haysa inta badan Gobollad Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa ka jawaabay warbixin ay dhawaan soo saartay Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo ahaa in ammaanka ka jira deegaannada ay maamulaan uu ku yimid cadaadis dadka lagu hayo.
Afhayeenkaa Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxmuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in nabadgalyada ka jira Gobollada ay gacanta ku hayaan aysan ahayn mid ku timid cadaadis dadka lagu hayo, balse ay ku timid ku dhaqanka Diinta Islaamka oo laga hirgeliyay.
"Hay'adda Human Rights Watch waxay sheegtay in ammaanka jira deegaannada ay Mujaahidiintu gacanta ku hayaan uu ku yimid cadaadis dadka lagu hayo, waa been aan jirin, waxaase farxad inoo ah inay qireen in Gobollada ay xarrakadu Maamusho ay yihiin kuwo ammaan ah" ayuu yiri Afhayeenka Xarrakatul Shabaab.
Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in ammaankaas uu ku yimid sharciga Ilaahay oo loo fuliyay sida uu yahay, dadkuna ay aad ugu qanacsan yihiin ku dhaqanka sharciga Islaamka, iyado aanay jirin cid loo eexanayo.
Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay bishan bartamaheedii waxay ku sheegtay ni Gobollada ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaab ay yihiin kuwo amaan ahaa aad u wanaagsan, balse dadka lagu hayo cadaadis daran oo aanay suurogal ahayn inay ka hadlaan dhibkooda.
Dad kala duwan oo ay hay'addu wareysatay ayaa sheegay in cadaadis badan lagu hayo, kuwaasoo diiday inay magacyadooda sheegaan, balse Xarrakatul Shabaab waxay hadalkaas ku tilmaameen mid aan jirin oo la sameeyay.
Gobollada Koonfurta Soomaaliya ee ay maamusho Xarrakatul Shabaab ayaa waxaa ka jira ammaan la isku halleyn karo, iyadoo ay sidoo kale jiraan Maxkamado qaad dacwooyinka ku saabsan xatooyada, taasoo sababta in dadka laga jaro gacmaha.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan,com
Muqdisho, Soomaaliya