4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 21, 2010
Maydadka dad la gowracay oo maanta laga helay Muqdisho Magaalada

Arbaco, April 21, 2010 (HOL) Waxaa Magaalada Muqdisho laga helay maydadka 5-qof oo la gowracay, kuwaasoo la sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalihii dayactirka ku sameynayay Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Maydadkan shanta fuundi ayaa waxaa looga shakisan yahay inay gowraceen kooxaha Dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda, waxaana maydadka laga helay goobaha ay kooxahan gacanta ku hayaan.

"Waxaa aragnay maydadka shan qof oo la gowracay, dhamaantood waxay ahaayeen rag" ayuu yiri ruux magaciisa kusoo koobay Cali oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters, wuxuu raaciyay: "Maydadka waxay ahaayeen kuwo lagu daday maryo yaryar, marka laga reebo lugahooda, waxaana ka muuqday silic".

Ehelada fuundiyadan oo diiday magacyadooda in saxaafaddu ay adeegsato ayaa sheegay in shanta qof ee la dilay ay ka mid ahayeen shaqaalihii dayactirka ku sameynayay xarunta baarlamaanka, lana waayay dhowr maalmood ka hor.

Ma jirto koox sheegatay inay mas'uul ka tahay gowraca loo geystay shantan, waxaana maydadka la helay ay qayb ka noqonayaa dhowr mayd oo todobaadkan oo keliya laga helay degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya