Ciidamada Amaanka xeebaha Puntland oo Gacanta ku dhigay 113 Tahriibayaal ah

Jimco , April 16, 2010 (HOL ) Ciidamada amaanka ee xeebaha Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay 113 ruux oo tahriibayaal ah oo doonayay in ay u gudbaan xeebaha yemen.

Tahriibayaasha Gacanta lagu soo dhigay ayaa 103 ka mid ah ay ahaayeen itoobiyaan oo  11 dumar ah ay ku jiraan halka soomaalida la soo qabtayna ay gaarayeen 9 Ruux.

Waxaa laga soo qabtay Tahriibayaasha Xeebta Bandar Ziyaada  oo aan waxbadan ka fogayn magaalada Bosaaso ,Waxaana la keenay Maanta Saldhiga dhexe ee magaalada Bosaaso si saxaafada loogu soo bandhigo.

Masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka amniga Yuusuf axmed khayr oo shir ku qabtay Saldhiga degmada ayaa sheegay in tahriibayaashaan loo gudbin doono dalalkii ay u kala dhasheen.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in Puntland ay Go,aan cad ka qaadatay La dagaalanka tahriibayaasha oo si aad ah ugu soo batay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka bari .

Duqa Degmada Bosaaso Maxamuud Beeldaaje ayaa beesha Caalamka ka Codsadatay in Puntland laga taageero La dagaalanka kooxaha wax tahriibiya oo uu sheegay in ayba ka daran yihin Burcad badeeda.

Ugu danbayntii Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in tahriibayaashan la soo taago Maxkamada Gobolka ,Waxaana ilaa iyo hada aan gacanta lagu hayn Kooxihii Wax tahriibinayay.

Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Soomaaliya