5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2010
Waa sidee Xaalada waxbarasho ee Magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Isniin, April 12, 2010 (HOL) - Tan iyo Markii ay meesha ka baxday xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya, waxa uu dalku soo maray isbadallo kala duwan iyo colaado sokeeye oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka soomaaliyeed, iyadoo dagaaladii sokeeye ee uu wadanka soo maray sababeen in ay meesha ka baxdo waxbarashadii iyo dhaqaalihii uu lahaa dalka Soomaaliya.

Dagaaladii Sokeeyee ee soconayay mudada dheer waxaa ay hakad iyo dib u dhac u keeneen adeegyadii guud ee bulshada Soomaliyeed oo ay kamid ahaayeen dhinicii waxbarashada, Nabadgelyada, Caafimaadka iyo Ganacsiga Dalka Soomaaliya.

Iyada oo uu dalku soo maray is badallo kala duwan ayaa waxa ay bulshada ku dhaqan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose ku guuleysteen in ay dib u soo celiyaan adeegyadii bulshada sida dhinaca waxbarashada iyo ganacsiga, iyadoo magaalada kismaayo laga hirgeliyay iskuulo fara badan iyo weliba jaamacad taa oo dhiiri gelin u abuurtay dhalinta jecel waxbarashada ee ku dhaqan guud ahaan gobollada jubooyinka.

Waxbarshada oo iyadu ah waxyaalaha lagama maarmaanka u ah bulsha weynta ku dhaqan caalamka ayaa waxa ay haatan u muuqataa in ay dib uga hanaqaaday magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose, inkastoo ay jirto baahi waxbarasho oo badan, ayaa haddana masuuliyiinta waxbarashada ee magaalada kismaayo waxa ay ku guuleysteen inay ka shaqeysiiyaan Dugsiyada Asaasiga ah, kuwa Sare ilaa heer Jaamacadeed.

Magaalada kismaayo oo xarun u ah gobolka j/hoose ayaa waxa ka jira iskuulo aad u badan waxaadna Subax kasta aroortii hore ku arkeysaa wadooyinka waaweyn ee magaalada kismaayo marka laga reeba Khamiista iyo Jimcada arday aad u badan oo sita dareeska iskuulada ee loo yaqaan Uniformka, islamarkaasina sita Buugaag iyo Qalimaan una socda dugsiyadooda waxbarasho.

Mar ay HOL booqatay Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Max'ed Jaamac ayaa waxaan halkaasi kula kulannay Maamulaha Dugsiga Max'ed Jaamac Ahna Gudoomiyaha Dalladda wax barashada Jubooyinka ee loo soo gaabiyo (JEN) Dr. Axmed Faarax Cali Aweys waxaana wax ka weydinnay xaalada waxbarasho ee dugsiyada ku yaal magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose, waxa uuna sheegay in xaalada waxbarasho ee iskuulada ku yaal Magaalada kismaayo ay haatan dib u hanaqaadeen isagoona sheegay in dadaal dheer oo ay sameeyeen masuuliyiinta waxbarashada ee gobollada jubooyinka ay ku guuleysteen in ay ka furaan magaalada kismaayo jaamacad taa oo loogu talo galay in ay dhigtaan ardeyda ka qalinjabisay dugsigayada sare.

Mar aan weydiiyay tirada iskuulada ka howlgasha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose ayuu ii sheegay in ay haatan ka howlgalaan magaalada kismaayo kudhowaad ilaa iyo 21 iskuul kuwaa oo ku baxa Manhajka afka carabiga ah iyo Ingiriiska, sidoo kale waxan weydiiyay cida ka caawiso dhanka mushaaraadka macalimiinta wuxuuna ii sheegaay gudoomiyuhu in aysan jirin cid ka caawisa dhanka qarashaadka macailmiinta waxa uuna sheegay in ay ku dabaraan lacagaha ay ka qaadaan ardeyda iskuulada wax ka barata.

Gudoomiyaha ayaa ugu danbeyntii waxa uu ka codsaday Maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka, ganacsatada iyo umadda soomaaliyeed ee ku nool caalamka daafihiisa in ay gacan ka geystaan waxbarashada gobollada jubooyinka madama buu yiri aysan jirin cid gacan ku haysa dugsiga waxbarasho ee ka jira gobollada jubooyinka.
 
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]

Kismaayo, Soomaaliya