4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 29, 2009
Madaxweynaha Soomaaliya oo Dooxa u duulay


Axad, March 29, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay ka amba baxeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

Madaxweynaha oo uu sii sagootiyay Ra’iisal Cumar C/rashiid ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay Wasiirrada Arrimaha Gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Axmed Jaamac Jengeli iyo xubno kale oo u badan howl-wadeennada xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu Magaalada Doxa ee dalka Qadar uga qeybgelayaan Shir ay halkaas ku leeyihiin Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, iyadoo ay xusid mudan tahay in shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta si weyn loogu lafo-guray Arrimaha Dalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Safarka uu amba baxay madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo madaxweynaha uu dorraad ka soo laabtay safar uu ku soo kala dalal dhowr ah oo ka tirsan Qaaradda Afrika.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia