4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 29, 2009
Dowladda Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay soomaan Afar maalmood

Axad, 29, Marso, 2009 (HOL): Wasiirka Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Nuur Cali Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay muddo afar maalmood ah soomaan, Allaahna ay ka baryaan in uu ka dul-qaado dhibaatooyin ay ku jiraan.

Shiikh Nuur Cali Aadan waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Afartaas maalmood ee ay sooman yihiin ay Allaah ka baryaan in uu Abaarta iyo Colaadaha ka dul qaado.

“Afartaas maalmood oo ka bilaabaneysa berri oo Talaado ah marka ay shacabka Soomaan, waxaan ka codsaneynaa in ay maalinta Jimcaha isu soo baxaan ayna tukadaan Salaat Roob-doon ah”ayuu yiri Shiikh Nuur Cali Aadan.

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in dhibaatooyin badan oo ay dadka Soomaaliyeed gacmahooda ku keensadeen dartood lagu ibtileynayo Abaaro iyo Colaado, sidaas darteedna wuxuu faray Shacabka Soomaaliyeed in ay Allaah u towbad keenaan, ayna naxariis ka baryaan.

“Meelaha ugu daran ee abaaraha laga soo sheegayo waxaa ka mid ah Jubbooyinka, Gedo, Shabeelooyinka, Bay iyo Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud”ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Wasiirkan waxaa uu baaq u diray Hay’adaha Samafalka iyo Dadka Soomaaliyeed ee wax heysta wuxuuna ka codsaday in ay si deg deg ugu gurmadaan dad badan oo ku abaareysan gobolladaas, kuwaasi ay la soo deristay xaalad nolol xumo ah kadib markii ay ku xoolo-beeleen abaarta.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia