4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 29, 2009
Nabaddoonnada Gobolka Bari oo ku baaqay in Ciidamada Sirdoonka Puntland ay isaga guuraan xarurmaha ay ka dagan yihiin magaalada Boosaaso.

Axad, 29, Marso, 2009 (HOL): Nabaddoonnada Gobolka Bari ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Qaraxyo iyo rabshado is-wata, kuwaasi oo maalmo ka hor ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe oo hoos yimaada DGPL.

Nabaddooon C/casiis Af-guduud oo ah afhayeenka nabaddoonnada gobolka Bari ayaa sheegay in rabshadaha dhacay ay salka ku hayeen arrimo musuq maasuq ah, isagoo sheegay in loo baahan yahay xal dag dag ah.

Waxaa kaloo Nabaddoon C/casiis uu sheegay in dhibaatada hadda jirta looga bixi karo iyadoo Ciidamada Sirdoonka Puntland ay ka guuraan gudaha magaalada Boosaaso iyo xarumaha kale ee ay Puntland ku leeyihiin.

"Haddii aan nahay nabaddoonnada waxaan ku baaqaynaa in si dag dag ah loo raro xarumaha ay ciidamada ku leeyhiin gudaha waxaana dhacda in dhibaatada ay intaan ka sii badato haddii ay sii joogaan" ayuu yiri Nabadoon C/casiis Af-gaduud.

Sidoo kale Nabadonada C/casiis Af-guduud ayaa tilmaamay in Nabaddoonadu ay mar walba u taagan yihiin ka shaqaynta amniga iyo la shaqaynta shacabka, isagoo xusay in nabaddu ay tahay lagama maarmaan.

Labo habeen ka hor ayay ahayd markii weerar xooggan lagu qaaday Xarunta Ciidamada Sir-doonka Puntland ee PISta, iyadoo weerarkaasina uu ahaa kii seddaxaad oo muddo afar bilood gudaheed ah lagu qaado Xarumaha ay degan yihiin Ciidamda Sirdoonka Puntland.

Faysal Maxamed Xasan(Boston),Hiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somalia