4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 29, 2009
Midowga Afrika oo sheegay in uu Ciidamo Dheeraad ah u dirayo Soomaaliya

Axad, 29, Marso, 2009 (HOL) : Sarkaal u hadlay Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Afrika uu ciidamo dheeraad ah u dirayo Soomaaliya, kuwaasi oo difaaci doona Dowladda Midnimada Qaran ee  Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliyeed ayaa weydiistay Midowga Afrika in ay gaarsiiso ciidamadii ay horay ugu dirtay Soomaaliya 8,000 oo Askari”sidaas waxaa wakaaladda wararka AP u sheegay Nicolas Bwakira oo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Dowladaha Midowga Afrika ayaa waxay ka cago-jiidayaan in ay ciidamo dheeraad ah u diraan Soomaaliya, waxaana taasi ugu wacan qalalaasaha ka jira Soomaaliya, kaasi oo ay wax ka qaban waayeen ciidamadii Ethiopian-ka ahaa ee Soomaaliya ku sugnaa mudadii labada sano ahayd.

Laakin Nicolas Bwakira ma uusan sheegin wadamada ciidamada dheeraadka ah u diraya Soomaaliya iyo tirada ciidamada ay dirayaan. Ciidamo ka socda Dowladaha Uganda iyo Burundi oo magaca Midowga Afrika ku howlgelaya ayaa waxay Soomaaliya ku sugan yihiin tan iyo bishii Maarso 2007, waxayna ciidamada hadda jooga gaarayaan 4000 oo Askari.

“Hadda ayaan qorsheyneynaa, waxaana si dhaqsi ah ugu diri doonnaa Soomaaliya Ciidamo badan oo ka socda Midowga Afrika”ayuu yiri Nicolas Bwakira.

Hadalka uu sii daayay Nicolas Bwakira ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu shalay sheegay in  Dowladaha Uganda iyo Burundi oo ay Soomaaliya ciidamo ka joogaan ay ka codsadeen in ay caawiyaan dowladda Soomaaliyeed tan iyo inta ay ka diyaarsaneyso Ciidamadeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia