4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 29, 2009
Maamulka Islaamiga ah ee Beledweyne oo waxba kama jiraan ku tilmaamay af-duub la sheegay in loo geystay mid ka mid ah shaqaalaha Caafimaadka ee ka howlgala Degmadaas

Axad, 29, Marso, 2009 (HOL): Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee degamada Beledweyne Shiikh Aadan Jilibey ayaa waxba kama jiraan iyo war laga badbadiyay ku tilmaamay af-duub sida qaar ka mid ah qalabka warbaahinta sheegeen in lagula kacay Wiil dhaliyaro ah oo ka shaqeynayay mid ka mid ah rugaha Caafimaadka Magaalada Beledweyne.
 
Guddoomiyaha ayaa intaas raaciyay in xiriir ay la sameeyeen qoyska uu ka soo jeedo C/rashiid Yuusuf oo ah qofka la sheegay in la af-duubtay ay bixin waayeen cadeymo dhab ah oo ku aadan sida wax u dhaceen iyo waliba haddii uu jiro xiriir uu la soo sameeyay wiilkooda '' Runtii waxaan ogaanay in arrimuhu si kale ahaayeen laakiin uusan jirin wax af-duub ah ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Shiikh Aadan Jilibey Guddoomiyaha degmada Beledweyne.
 
Dhinaca kale mid ka mid ah Saraakiisha Maamulka Islaamiga ee  Goballka Hiiraan ayaa ku tilmaamay qaar ka mid ah qalabka warbaahinta in ay yihiin  kuwo aan si dhab ah u baarin marka hore warka ka hor inta aysan qaadan, waxaana uu intaa sii daba dhigay in ay uga digayaan warbaahinta qaadashada wararka aan leyska hubin.
 
Inkastoo warka ku saabsan af-duubkaas ay beeniyeen Mas'uuliyiinta Maamulka degmada Beledweyne ayaa hadana dhinaca kale waxaa ay sheegeen qoyska uu  ka tirsan yahay C/rashiid Yuusuf in af-duubku jiray isla markaana ay fuliyeen rag ku hubeysan bastoolado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia