4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 29, 2009
Shan Nin oo ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarasahda Kenya oo laga sii daayay Degmada Beled Xaawo

Axad, 29, Marso, 2009 (HOL): Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in shan Nin oo Dalkeeda u dhashay oo afar maalmood ka hor lagu qabtay Degmada Beled-Xaawo la sii daayay kadib wada hadallo dhexmaray maamulka Degmada Beled-Xaawo iyo midka Gobolka W/Bari ee Kenya.

Afhayeen u hadlay Booliska Kenya oo lagu magacaabo Eric Kiraithe ayaa xaqiijiyay in Shantaas nin la sii daayay, isla markaana iyagoo bed qaba loo qaaday  dhinaca Degmada Mandera.

“Shanta Nin ee Kenya u dhashay waa la sii daayay, dhamaantoodna waa bed-qabaan”ayuu yiri Eric Kiraithe oo intaas ku daray in raggaas la sii daayay kadib wada hadallo Degmada Buulo Xaawo ku dhexmaray mas’uuliyiin ka kala socday Maamullada W/bari Kenya iyo Beled-Xaawo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Beled Xaawo Axmed Maxamed Bur-kuus oo saxaafadda la hadlay kadib markii la af-duubtay raggaas u dhashay Kenya ayaa sheegay in ay sharci darro ku soo galeen Soomaaliya, baaritaanna lagu sameynayo.

Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca Degmada Beled-Xaawo ayaa wuxuu yahay mid aanu ammaankiisa sugneyn, waxaana dhacday in rag maleeshiyooyin ah oo gudaha Soomaaliya ka tegay ay dhowr jeer oo hore dad iyo gaadiid ka soo qafaaheen gudaha Kenya, iyadoo saraakiishan Wasaaradda Waxbarashada Kenya ka tirsanna la sheegay in ay amar la’aan iska soo galeen Soomaaliya.

Horraantii bishan ayay ahayd markii afar shaqaale ah oo u shaqeynayay Qaramada Midoobay lagu af-duubtay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, inkastoo mar dambe lagu sii daayay dadaallo ay sameeyeen Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka iyo mas’uuliyiinta Al-Shabaab ee Degmadaas gacanta ku heysa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia