4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 29, 2009
Golaha Guurtida Somaliland oo muddo-kordhin u sameeyay Xukuumadda Somaliland

Axad, 29, Marso, 2009 (HOL) : Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddada Xil-haynta Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa u kordhiyay 6-bilood, isla markaana Doorashada Madaxtooyada Somaliland dib u riixay muddo 5 bilood ah.

Golaha Guurtida Somaliland oo dood adag oo ay maanta ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Hargeysa oo aad Amnigeeda loo adkeeyay, ayaa waxay go’aamiyeen in Muddada Xilka Madaxweyne Rayaale oo ku ekayd 6-da Bisha May ee sanadkan loogu daro muddo 5 bilood ah, waxaanay u muddeeyeen waqtiga ay Muddadu ka dhammaanayso in ay noqoto 29-ka Bisha October ee sanadkan. Dhinaca kale, Guurtida oo cod gacan-taag ah ku ansixiyay muddo-kordhintan ayaa muddada Doorashadu qabsoomayso waxay ka dhigeen 29-ka bisha September ee sanadkan.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo ay ka soo xaadireen 79 mudane, ayaa waxa ogolaaday muddo-kordhinta muddada Xilka Madaxweyne Rayaale 46 mudane, halka ay ka diideen 35 mudane, waxa ka aamusay hal mudane, Guddoomiyuhuna ma codaynin.

Xisbiyada Mucaaradka, gaar ahaan Xisbiga Kulmiye ayaa hore uga biyo-diiday in ay ogolaadaan Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Rayaale, waxaanay ku tilmaameen xaaraan aan Sharciga meelna kaga jirin.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland