4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 29, 2009
Dhinacyo ku dagaallamay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo xabad-joojin la kala dhexdhigay

Axad, March 29, 2009(HOL): Dhinacyadii ku dagaallamay xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa lagu guuleystay in xabad-joojin la kala dhex dhigo, iyadoo xabad-joojintaasna ay ka shaqeeyeen odayaal iyo waxgarad is-xil-saaray.

Shiikh Muuse Caga-weyne oo dhawaan loo doortay Gole ay ku midoobeen Beelaha Hiraab ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay ka dhaadhiciyaan labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan.

“Wada hadallo toos ah iyo kuwo aan toos ahayn oo aan la yeelanay labada dhinac ayaan ku guuleysannay in aan xabadda joojinno”ayuu yiri Shiikh Muuse Caga-weyne oo intaas ku daray in sidoo kale ay ku guuleysteen in la kala dhaqaajiyo Ciidamada labada dhinac.

Dagaalladan ayaa waxay dhexmareen Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam iyo Xoogag kale oo u daacad ah Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya. Sababta keentay dagaalka ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Xisbul Islaam.

Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay in dagaalkaas uu bilowday kadib markii sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda laga qaatay gaari uu lahaa, kadibna ay Ciidamada Dowladda doonteen gaarigaas, sidaasna uu dagaalka ku bilowday.

Laakin Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Shiikh Muuse Carraale ayaa sheegay in dagaalkaas uu bilowday kadib markii ciidamo mujaahidiin ah oo ku sugan inta u dhaxeysa Isgoysyada Sanca, Afarta Jardiino, Towfiiq ilaa Saldhigga Yaaqshiid ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda, iyagoo buu yiri doonaya in ay mujaahidiinta ku qasbaan in ay xoog ku raacaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia