4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2009
Ku dhawaan 100 Ruux oo Cudurka Shuban-Biyoodka ugu geeriyooday Soomaaliya

Talaado, March 17, 2009(HOL):  Ku dhawaad 100 ruux oo u badan carruur ayaa u dhintay Cudurka Shuban-biyoodka oo ka dilaacay meelo badan oo ka mid ah Koofurta Soomaaliya, sidaas waxaa sheegay saraakiil maamul iyo kuwo caafimaad oo ku sugan Soomaaliya.

Dadkaas dhintay badankood waxay ku nool yihiin gobollda Shabellooyinka iyo Bay, kuwaasi oo ay ku dhufatay abaar daran oo dadkii iyo xoolihiiba waxyeello xooggan u geysatay.

“Dad ku nool tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa nagu soo wargeliyay in uu cudurka Shuban-biyoodka ka dilaacay deegannadooda, sidaas darteed waxaan ku baxnay meelihii cudurka laga soo sheegay waxaana ku soo aragnay dad uu cudurka soo ritay”sidaas waxaa Wakaaladda Wararka AFP u sheegay Macallin Xuseen oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Dadka badankood waxay u dhimanayaan Cudurka Shuban-biyoodka, waxaana taasi ugu wacan iyadoo dadka ay cabaan biyo aan nadiif ahayn”sidaas waxaa yiri Mustaf C/raxmaan Cusmaan oo ka mid ah howl-wadeennada caafimaadka meelaha ay Cudurrada ka dhaceen, wuxuuna intaas ku sii daray Mustaf in ay jiraan dad la jiran cudurka oo u baahan daweyn deg deg ah.

Sidoo kalena deegaanno hoos-taga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa iyadana la soo sheegayaa in uu Cudurkan ka dilaacay, isla markaana ay u geeriyoodeen dad carruur u badan, kuwaasi oo la sheegay in ay cabeen biyo aan nadiif ahayn oo qudhooda ay ka iibiyaan dad ka dhaamiya Webiga Shabeelle oo qudhiisa sii biyo yareynaya.

Bishii November ee sanadkii hore dad gaaraya 60 ruux ayaa cudurka Shuban-Biyoodka ugu geeriyooday Bartmaha Soomaaliya. Ugu dambeyntiina, Qaramada Midoobay ayaa sheegta in dad lagu qiyaasay 3.25 Milyan oo Soomaaliya ay u baahan yihiin kaalmo bani’aadannimo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia