4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2009
Abaar daran oo ku dhufatay deegaanno ka tirsan Puntland

Talaado, March 17, 2009(HOL): Abaar aad u xoog badan oo waxyeeleeyay dadkii iyo duunyadii ku noolaa deegaano badan oo ka mid ah gobolka Mudug ayaa la soo shegayaa in ay sii korortay, iyadoo aysan jirin cid ilaa iyo hadda wax gargaar ah u fidisay.
 
Abaarahaan ayaa la sheeegay in ay u dhinteen in ka badan 100 neef oo isugu jira xoolaha nool kadib markii ay waayeen baad iyo biyo ay quutaan .
 
Gudoomiyaha Gobolka Mudug C/nuur Geeseey oo saxaafadda la hadlay ayaa hay’adaha samafalka ka codsaday in gargaar lala soo gaaro dadka ay waxyeelleeyeen abaaruhu.

C/nuur Geeseey Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa xusay in laga yaabo in abaaruhu ay sii kordhaan, waxaana uu intaasi ku daray in haddii aan gar gaar lala soo gaarsiin ay khatar ku jiraan.
 
"Baahida ugu weyn waxay ka taagan tahay biyo la’aanta iyo raashinka, waana dhici kartaa in dadka qaarkood ay geeriyoodaan"ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Mudug C/nuur Geesey.
 
Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha DGPL oo saxaafadda ka hor aqriyay waraaq uu saxiixay Madaxwayne ku xigeenka DGPL ayaa sheegay in la qorshaynayo wax ka qabashada arrimaha abaaraha ee xoogeystay.
 
Sidoo kale abaarahaaan ayaa saameeyay meelo ka mid ah tuulooyinka gobolka bari iyo Sanaag, bacdamaa labadii sano ee la soo dhaafay aysan wax roobab ah helin reer guuraaga ku nool Puntland. 
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia