4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2009
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Rwanda

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Rwanda Shiikh Shariif iyo Paul Kigame
Talaado, March 17, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu la kulmay Dhiggiisa Dalka Rwanda Mr. Paul Kagame, wuxuuna kala hadlay arrimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii ay Dowladda Rwanda u caawin karto Dowladda Soomaaliya.

Inkastoo Dowladda Rwanda aysan horay xiriir wada shaqeyneyd ula lahayn Dowladda KMG ah ee Soomaaliya haddana waxay Dowladda Rwanda sheegtay in ay taageereyso Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Wada hadallada labada madaxweyne dhexmaray ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro labada Xukuumadood ka socday. Wasiiradda Arrimaha Dibadda Rwanda Mrs. Rosemary Museminali ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu warsaday Dowladda Rwanda in in ay taageerto Dowladda Soomaaliya, waxayna xustay in meelaha ay ka taageereyso ay ka mid yihiin nabadeynta dalka Soomaaliya, mideynta dhinacyada isaga soo horjeeda Soomaaliya, soo qaabeynta Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dalka iyo dib u dhiska Dalka.

Wasiirka Arrimnaha Dibadda Rwanda waxay intaas ku dartay in labada dowladood ay bilaabi doonaan xiriirro iyo iskaashi dhexmara Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee labada Dowladood, kuwaasi oo isla meel dhigi doona sida ay isula tallaabo qaadayaan Xukuumadaha Soomaaliya iyo Rwanda.


Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya  Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna HOL u sheegay in madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay uu  booqanayo meelo taariikhi oo ku yaala dalka Rwanda sida halkii uu ka dhacay Xasuuqii Rwanda ka dhacay 1993-1994-kii.

Maxamed Cali Ameeriko waxaa uu sheegay in meelaha uu madaxweynaha booqanayo ay ka mid yihiin Akadeemiyada Mileteriga Gako, Xarunta  Gisozi  oo lagu xusuusto Xasuuqii Rwanda iyo Xarunta Nabadda Mandella oo ku taala Degmada Bugesera, sidoo kalena waxaa uu xusay in uu la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Dowladda Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa laga filayaa asbuucan in ay xaqiijiso ammaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana ay ka dhigto mid ammaan ah oo ay ku negaan karaan dadkii horay u deganaa, kuwii ka barakacayna ay dib ugu soo noqon karaan.

Dowladda Rwanda ayaa waxay sanadkii 2007 tababartay Ciidamo Soomaali ah oo tiradooda gaareysay 1,000 Askari, kuwaasi oo ujeedada loo tababaray ay ahayd in ay ka qeyb-qaataan soo celinta Nabaddii Soomaaliya.


Waa madaxweynihii labaad oo Soomaaliya ay leedahay oo Dalka Rwanda booqda muddo isu dhow, waxaana horay u booqday Kigali Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo Dowladda Rwanda ka codsaday in ay tababar u fidiso Ciidamo Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya  Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka hor intii uusan booqanin Dalka Rwanda wuxuu horay u soo booqday Dalalka Kenya, Burundi iyo Uganda, wuxuuna madaxda Dowladahaas kala hadlay sidii ay u taageeri lahaa Dowladda cusub ee Soomaaliya, isla markaana loo soo celin lahaa xiriirkii Soomaaliya iyo Dowladahaas ka dhaxeeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia