4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2009
Shaqaalihii UN-ka ee shalay lagu af-duubtay Degmada Waajid oo la sii daayay

Talaado, March 17, 2009(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddooda dib u helay Samafalayaal u shaqeynayay UN-ka oo shalay ay kooxo hubeysan ka af-duubteen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Samafalayaashan oo u shaqeynayay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNDP iyo WFP oo afar ahaa ayaa seddex ka mid ah waxay ahaayeen Ajaaniib, midka kalena wuxuu ahaa Soomaali.

Sii deynta Samafalayaashan UN-ka u shaqeynayay ayaa waxaa dadaal weyn u galay Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Waajid iyo weliba Mas’uuliyiinta Al-Shabaab ee gacanta ku haya Gobolka Bakool, gaar ahaan Degmada Waajid.

Ugaas Macallin Cali Barre oo ka mid ah Waxgaradka dadaalka u galay sii deynta Samalayaashan ayaa sheegay in ay dadaal dheer kadib ku guuleysteen in ay xoriyaddooda u soo celiyaan Samafalayaasha, wuxuuna caddeeyay in ay geeyeen xarun uu UN-ka ku leeyahay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Maanta ayaa lagu wadaa in Samafalayaasha loo duuliyo Dalka Kenya, halkaasi oo ay ku sii jeedeen markii shalay la af-duubanayay, waxaana sii deyntooda soo dhaweeyay Qaramada Midoobay oo xaaladda Ragga la af-duubtay ka walaacsaneyd.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia