4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2009
Lacag deeq ah oo lagu wareejiyay Guddiga dhismaha Waddooyinka Goballka Hiiraan


Talaado, March 17, 2009(HOL): Musaabad ay ka soo qeyb-galeen Golaha Odayaasha Dhaqanka Goballka Hiiraan, Aqoonyahanno iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa lagu guddoosiiyay Guddiga dhismaha wadada Goballka Hiiraan lacag dhan 110 Milyan oo Sh. Soomaali ah.
 
Guddi loo xilsaaray soo ururinta lacagta lagu dhisayo Wadada Goballka Hiiraan oo uu horkacayo Max'ed Cabdi Raaxoy (Gacamey) oo iyagu ku wareejiyay deeqda Guddiga dhismaha Wadada ayaa hadallo kooban oo ay halkaas ka jeediyeen waxaa ay ku sheegeen in lacagtan ay ka soo ururiyeen dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan Tuulooyinka fog kuwaas oo sida uu guddigu sheegay si weyn ugu farxay markii ay maqleen olalaha lagu dhisayo Wadada dhaxmarta Goballka.
 
Sidoo kale waxaa halkaas laga sheegay in ay jiran 112 Neef oo Ari ah oo qeyb ka ah deeqda lagu soo ururiyay dadka reer Miyiga ah kuwaas oo la doonayo in loo lacageeyo dhismaha Wadada.
 
Eng. Cali Xaaji Shirwac oo mas'uul ka ah dhismaha Wadada dhexmarta Goballka Hiiraan oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa si weyn ugu mahadceliyay sida ay isu xil qaameen dadka reer miyiga ah oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa kaliya oo ay wali Wadadniyaddu ku danbeyso, waxaana uu sheegay in lacagtani wax weyn ka tiri doonto howlaha dhismaha ah ee socda.
 

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo sidoo kale halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in arintani tahay mid looga baahan yahay in Soomaalida oo dhan gacan ka geystaan maadaama Wadadu tahay mid dad oo dhan u dhaxeysa, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay in laga shaqeeyo dayactirka Buundooyinka yar yar kuwaas oo halis ku ah gaadiidka safarka ah.
 
Munaasabadda ayaa dhinaca kale xubnihii ka hadlay waxaa ay baaq u jeediyeen dhinacyada ku dagaalamaya Goballka Gal-gaduud, gaar ahaan Degmada Ceel-buur, iyagoo ka codsaday in dagaalka la joojiyo haddii ay jiraan waxyaabo leysku hayana lagu dhameeyo wada hadal.



 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia